4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 25, 2013
Wareeggii ugu dambeeyay ee taranka Hirgeli Hamigaaga faneed oo Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Isniin, November 25, 2013 (HOL) — Wareegii ugu dambeeyay ee tartanka hirgeli hamigaaga faneed oo muddo sannad ah soo socday ayaa maanta la soo gaba-gabeeyay, iyadoo ay isugu soo hareen ilaa 17 fannaan oo da’yar ah oo isugu jiray wiilal iyo gabdho.

Barnaamijka hirgeli hamigaaga faneed oo ay soo qaban-qaabisay wakaalada murtida iyo madadaalada ayaa gun-dhiggiisu ahaa dib u soo nooleynta fankii iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo soo saaridda jiil cusub oo bedela fanaaniintii hore.

Wareeggan ugu dambeeyay ee tartankan hirgeli hamigaaga faneed oo ahaa mid xiiso badnaa ayaa 13 ka mid ah tartamayaashii waxay qaadeen heeso kala duwan oo isugu jiray kuwo jacayl ah iyo kuwo wadani ah, iyadoo ay ka ahaayeen garsoorayaal tartanka shan xubnood oo isugu jiray fannaaniin iyo abwaanno.

Sidoo kale, saddex ka mid ah tartamayaasha ayaa ku bara-tamayay gabayo, iyagoo ahaa hal-abuurayaal, sidoo kale qofka 17-aad ayaa isna ku oo baxay dhanka majaajillada oo aanay jirin cid la tartantay, marka laga reebo in uu soo bandhigay sheekooyin maad iyo qosol ah.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Guddiga ayaa tan iyo muddadii sanandka ahayd ee uu tartanku soo socday waxay ka ahaayeen garsoorayaal, iyago kala saaray boqolaal dhalinyaro ah oo tartanka ka qaybgalay kuwaasoo isaga yimid Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka.

Xubnaha guddigan ayaa waxay kala ahaayeen: abwaan Maki Xaaji Banaadir (Buur-fuule), abwaan C/naasir Axmed Geeddi (Aakhiro), Muslima Qaasim Hilowle, Xaliimo Cali Cumar (Cod-weyn) iyo Sadiiq Maxamed Cali.

Tartankii maanta dhacay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa maareeyaha wakaalada murtida, madadaalada iyo farshaxanka, abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf iyo agaasimaha hobollada Waabari.

Munaasabadda lagu bixin doono abaal-marino, isla markaana lagu shaacin doono cidda ku guuleystay tartanka Hirgeli Hamigaaga Faneed ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaan la qabto, iyadoo munaasabaddaas lagu marti qaadi doono mas’uuliyiin, fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Barnaamijkan Hirgeli Hamigaaga Faneed ayaa ah kii u horreeyay noociisa oo lagu qabto Muqdishotan burburkii dowladii dhexe kaddib, iyadoo ay intii uu tartankan socday ay is-tijaabiyeen boqolaal dhallinyaro ah oo isugu jiray rag iyo dumar.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya