4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 25, 2013
Maamulka Gobolka Hiiraan oo dhagax-dhigay waddo cusub oo ay Isticmaali doonaan Gadiidka isaga kala goosha dalka (SAWIRRO)


Isniin, November 25, 2013 (HOL) — Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa muhiim ah marka la eego isku socodka gadiidka isaga kala goosha gobollada Koonfurta iyo W/qooyiga dlaka Soomaaliya, waan magaalo kulmisa dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee ka jira qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka iyo dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Gadiidka xamuulka ah ee soo gala kana baxa magaalada ayaa bilihii ugu danbeeyayba  waxaa soo food saaray caqabado xoog leh oo ay kala kulmeen mariinka wadada oo saameyn weyn ay ku yeesheen roobabka ka da'ay gobolka, mudo dheerna aan wax dayactir ah helin, waxaana soo ifbaxday baqdin laga qabo shilal khasaare sababa oo ka dhalan kara isticmaalka wadooyinkaas.

Haddaba mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo siweyn isugu howlay wax ka qabashada arintan ayaa kulamo is daba joog ah oo ay la yeesheen ganacstada gobolka ugu danbeyntii waxaa ay dhagax-dhigeen wado cusub oo la sheegay in ay isticmaali doonaan gadiidka xamuulka ah.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, taliyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka AMISOM, iyo guddoomiyaha guddiga ganacsatada gobolka ayaa si wada jir ah maanta xariga uga jiray dhismaha wadadan oo durbaba howsheeda la bilaabay.

Guddoomiyaha gobollka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa dhagax-dhigay dhismaha wadada cusub, isaga oo ku dheeraaday muhiimada ganacsiga iyo waliba sida uu maamulka ahmiyad gaar ah u siinayo, waxaana uu intaa ku darray in marka la soo dhameystiro dhismaha wadadan uu meesha ka baxayo shakigii laga qabay shilalka gadiidka xamuulka ah oo aan awood u laheyn in ay isticmaalaan jidadka bur bursan.

“Mas’uuliyada na saaray ayeey qeyb ka tahay hagaajinta kaabayaasha bulshada, jidadkana runtii waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah nolasha iyo isku socodka bulshada, waxaana ay dhaf-bar u yihiin kobaca ganacsiga, maxaa yeellay haddii aysan jidadku jirin ganacsi iyo isku socod bulshana ma jirayo, sidaa daraadeed muhiimad gaar ah ayeey in oo leedahay dhismaha wadadan,'ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Goobta laga hergalinayo wadadan ayaa lagu arkayay gadiidka Iska rogayaasha ah ee dhagxaanta duubula iyo baldoosaaro durbaba ka shaqo bilaabay jidkan cuusb oo ah mid si toos ah gadiidka ugu xirri doonta wadada laamiga ah.

“Waa in shacabka reer Hiiraan ka qeyb-qaataan dhismaha jidkan, anniga ka AMISOM ahaan gacan ayeeynu ka geysan doonaa mashruucan oo ah mid bulshada u faa’ideynaya,’’ ayuu yiri Col Cismaan Dubad.

Guddoomiyaha guddiga ganacsatada gobolka Hiiraan Xaaji Cali Kaar ayaa dhinaciisa sheegay in guddiga gaadiidleyda iyo ganacsatada intaba ka go’an tahay in ay ka qeyb-qaataan dhismaha jidkan cusub, madaama aysan jirin ayuu yiri cid kale oo u maqan oo ay sugayaan.

“Dal walba dadkiisa ayaa dhisa, sidaa daraadeed guddiga gadiidleyda iyo waliba ganacsatada kaalindooda ayee ka qaadanayaan mashuurcan,’’ ayuu yiri guddoomiyaha ganacsatada gobolka.

Ugu danbeytii duqa magaalada Beledweyne Cabdi Faarax Daahir ayaa sheegay in maamulka gobolka Hiiraan ka ga’an tahay dib u dhiska goobaha adeega bulshada oo ay jidadku ka mid yihiin, isaga oo intaa ku darray in qorshaha dhismaha wadadan cusub mudo dheer lagu howlanaa.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya