4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 25, 2013
Qarax Xooggan oo ka dhacay magaalada Kismaayo

Isniin, November 25, 2013(HOL) :- Qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan islamarkaana daryankiisa laga maqlayay inta badan xaafadaha magaalada Kismaayo ayaa ka dhacay xaafadda Guulwade, waxaana lala beegsaday gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan maamulka Jubba.

Qaraxan oo la aaminsanyahay in uu yahay nooca miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa ilaa hadda inta la ogyahay waxa ay dhaawacyo kasoo gaareen afar qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen ciidamo ka tirsan maamulka, waxaana sidoo kale uu burbur xooggan gaaray gaadiidkii qaraxa lala eegtay.

Taliyaha saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo Cabdi Buulle Sugoow oo HOL u waramay ayaa sheegay in aysan jirin cid ku dhimatay weerarka, wuxuuna xusay in uu qasaaro kasoo gaaray dad rayid ah.

“Gaariga qaraxa lala eegtay waxa uu ahaa gaari ciidan oo uu maamulku leeyahay, xilligii uu qaraxu dhacayay wax ciidan ah ma saarnayn, dad rayid ah ayay dhaawacyo kasoo gaareen,” ayuu yiri Taliye Sugoow oo isagu beeniyay in ay jiraan ciidamo ku waxyeeloobay weerarkaasi.

Qaraxa kadib ayaa waxa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubba, kuwaasoo howlgallo ka sameeyay xaafadaha ku dhow dhow goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana sidoo kale qadar daqiiqado ah hawada laga saaray isgaarsiinta magaalada Kismaayo.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii u danbeeyay magaalada Kismaayo ay ka soconayeen howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka, kuwaasoo ay fulinayeen ciidamada nabadsugidda maamulka.

Xasan Nuur, Hiiraan Onlin
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.