4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 25, 2013
Ugaas Cusub oo ku soo biiray Isimmada Puntland oo Maanta lagu Caleemo saaray Magaalada Boosaaso (SAWIRR0)

Isniin, November 25, 2013 (HOL)-
Waxaa maanta magaalada Boosaaso lagu caleema saaray ugaas cusub oo ay yeelatay mid kamid ah beelaha dega gobolka Bari. Xafladda Caleema saarka waxaa kasoo qayb galay madax-dhaqameed, aqoonyahan, culimaa’ uddiin iyo marti sharaf kale oo badan.

Nabdoon Ladane Nuur oo kamid ahaa waxgaradkii munaasabadda caleema saarka ka hadlay, ayaa sheegay in beesha Jibriil Cawlyahan oo ka tirsan beelaha Siwaaqroon ay lahayd Beeldaaje guud, haseyeeshee maadaama ay beeshu ballaaran tahay loo baahday in isim kale la caleema saaro.

Cali Cawad oo isna kamid ahaa cuqaashii munaasabadda caleema saarka kasoo qayb galay, ayaa sheegay in ugaaska cusubi aanu noqon doonin mid ay beel gaar ahi leedahay, haseyeeshee uu isim u yahay dhammaan umadda Soomaaliyeed.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Ugaaska maanta la caleema saaray oo lagu magacaabo Cumar Axmed Saalax oo ugu dambeyntii goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu xil weyn iska saari doono sidii uu uga soo bixi lahaa mas’uuliyadda culus ee ay beeshiisu saaratay.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay, in uu ku dadaali doono sidii uu ku noqon lahaa isim bulshada la tashada, dhibtooda ka war qaba islamarkaana ku dadaala sidii uu wax uga qaban lahaa cabasho walba oo dhankooda ka timaada.

Ugu dambeyntii, wuxuu ka codsaday ka qayb gelayaasha munaasabadda caleemasaarka in ay usoo duceeyaan, oo ay Ilaah uga baryaan in uu u fududeeyo xilka culus iyo mas’uuliyadda adag ee dhabarka loo saaray.

Caleema saarka Ugaas Cumar Axmed Saalax ayaa kusoo aadaya xilli ay deegaanada Puntland ka socoto xulista xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Puntland, howshaas oo ay garwadeen ka yihiin guurtida iyo madaxda dhaqanka ee beelaha Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya