4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 25, 2013
Musharrax Shire Xaaji Faarax oo u Taagan Xilka Madaxnimo ee Puntland oo Magaalada Boosaaso lagu soo dhaweeyey (SAWIRRO)


Isniin, November 25, 2013 (HOL)- Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey Shire Xaaji Faarax oo ah musharrax u taagan xilka madaxtinimada ee Puntland.

Dadweyne boqollaal gaaraya oo isugu jira siyaasiyiin, aqoonyahan, isimmo haween iyo dhalinyaro, ayaa mushrrax Shire kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Musharraxa oo dadkii soo dhoweeyey garoonka si kooban ugula hadlay, ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey sida diirran ee ay usoo dhoweeyeen, wuxuuna sheegay in uu yahay isbeddel-doon, taasina ay tahay ujeedada uu dalka ugu soo laabtay.

Intaas kaddib waxaa loo gudbiyey hoteelka International Village, halkaas oo uu warbaahinta kula hadlay, isagoo tilmaamay in xilligan xaaladda Puntland ay tahay mid aan wanaagsaneyn, islamarkaana ay u baahan tahay isbeddel-dhinacyo badan leh oo lagu sameeyo.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay, in horumarka Puntland uu ku xiran yahay midnimada dadka reer Puntland iyo sida ay isugu laab fiyow yihiin.

“ isbeddel waxaa sameyn kara dad reer Puntland ah oo qalbigooda iyo maskaxdooda isu geeyey, iyadoo Puntland ay dhameystiran tahay, Puntland kala dhimani waxba ma qaban karto” Musharrax Shire Xaaji Faarax ayaa yiri.

Ololaha doorashada ayaa si weyn looga dareemayaa dhammaan deegaanada Puntland, xilli ay muddo koobani ka harsan tahay doorashada madaxtinimada oo dhici doonta 8-da bisha January ee sanadka soo socda ee 2014.

Ilaa hadda siyaasiyiinta ku dhawaaqay in ay ka qayb geli doonaan doorashada, una tartami doonaan xilka madaxweynenimada ayaa gaaraya 13 musharrax.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Punntland, Soomaaliya