4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 25, 2013
Ra’iisul Wasaare Saacid oo Maanta Booqday Wasaaradaha War-faafinta iyo kheyraadka, kana dhegeystay Warbixinno (SAWIRRO)


Isniin, November 25, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa saaka booqday xarumaha wasaaradaha  warfaafinta iyo Kheyraadka dalka, waxaana uu kulamo gooni-gooni ah la qaatay howl-wadeennada iyo dhammaan shaqaalaha ka howlgala labadaas wasaaradood, isagoo ka dhegeystay waxqbadkooda mudada sanadka ahayd ee ay wasaaradahani shaqeynayeen.

Saacid ayaa waxaa booqashadiisan ku wehliyay wasiirrada wasaaradaha uu booqday iyo agaasimayaashooda, waxayna ugu horreyntii booqdeen xarunta wasaaradda warfaafinta, gaar ahaana Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay, waxaana xilligaasi ka socday howlo ku aaddan tabinta iyo qabashada barnaamijyo kala duwan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ammaanay is-bedelka iyo horumarinta ballaaran ee ay wasaaraddu sameysay halkii sano ee ay xukuumaddu jirtay, wuxuuna xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay dawladnimada warbaahinta oo ah halka looga tabiyo shacabka waxqabadka iyo horumarka dawladda.

“Waxaan ku ammaanayaa wasiirka warfaafinta tallaabooyinkii ay qaadday wasaaradiisa ee dib loogu howl-gelinayay hay’addaha dawladda, sida boostadii dalka, Soomaali Airline, soo celinta maamulka hawada Soomaaliya iyo horumarinta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Saacid oo ka hadlayay waxqabadka muddada sannadka ah ee wasaaradda warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha xukuumada ayaa sidoo kale booqasho ku tagay xarunta wasaaradda Kheyraadka dalka isaga oo warbixin ballaaran ka dhegeystay qaar ka mid ah agaasimeyaasha wasaaradaas, waxayna tilmaameen in muddada sannadka ah ay qabteen howlo baaxad leh oo ku aaddan horumarinta kheyraadka sida beeraha, waxsoo saarka gudaha, kalluumeysiga, waxayna xuseen inay heshiisyo wax ku ool ah la gashay wasaaradu shirkado caalami ah oo ay ka mid tahay shirkadda Soma Oil and Gas oo sahmin ku sameyn doonta shidaalka dalka, gaar ahaana midka ku jira badda.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha oo booqashadiisan kaddib, warbaahinta la hadlay ayaa xusay in intii uu ku gudo jiray booqashada wasaaradahan uu ku soo arkay waxqabad ballaaran oo ay sameeyeen muddadii sannadka ahayd, wuxuuna xusay in dhammaan wasaaradaha xukuumadda ay sameeyeen horumarro baaxad leh, isagoo ballan-qaaday inay sii laban-laabi doonaan waxqabadkooda sannadaha soo socda.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya