4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 25, 2013
Madaxweynaha Puntland oo Maanta Soo Saaray Wareegto la Xiriirta Xulidda Baarlamaanka Cusub ee Maamulkaas uu yeelanayo

Isniin, November 25, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/rixmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa markii ugu horreysay maanta soo saaray wareeegto uu ku qeexayo habka iyana ay u imaanayaan xubnaha baarlamaanka oo uu sheegay inay gabo-gabo xilligaan ku dhow dahay.

Wareegtada ayaa wuxuu Faroole ku cuskaday dastuurka u yaalla maamul-gobolledka Puntland, waxaana xilli laga hadlayay habka xulista baarlamanka cusub ayaa la sheegay in loo raacayo  xeerarkii hore ee ku saabsanaa soo xulista baarlamaanka, sidoo kale waxaa la sheegay inay muhiim tahay in la waafajiyo soo xulista baarlamaanka cusub nidaamka Puntland u yaalla ee lama dhaafaanka ah.

Arrintaan ayaa kuso aadaysa xilli Puntland ay dhawaan gali doonto doorasho ay ku imaan doonto xukuumadda cusub ee Puntland.

Hoos ka akhriso digreetadda ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland:

Hiiraan Online, Gaalkacyo