4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 25, 2013
Maamulka Somaliland oo Heshiis la Saxiixanaysa Shirkad cusub oo Shidaal ka baaraysa deegaannada Maamulkaas

Isniin, November 25, 2013 (HOL) — Maamulka Somaliland ee waqooyiga Somaaliya ayaa shirkaddii afaraad  la galaysa asbuucan heshiis dhanka shidaal baarista ah oo laga samaynayo guud ah deegaanadaasi, waana shirkad fadhigeedu yahay Bariga dhexe.

“Waxaan heshiis la saxiixanaynaa shirkad ajnabi ah  oo shidaalka baarta ,“ ayuu yiri xuseen Cabdi Ducaale oo ah  wasiirka macdanta iyo tamarta  Somaliland oo ka gaabsaday in uu faah-faahin dheeraad ah ka bixiyo heshiiskaasi oon ahayn kii ugu horeeyay oo maamulkaasi uu la galo shirkad caynkan o kale ah.

Wasiirka ayaa inta ku daray in heshiiska la dhamaystiray, isla markaana ay dhimantahay oo kaliya in labada dhinac ay saxiixaan si howsha loo bilaabo, isagoo xusay in arintan ay ka qayb-qaadan doonto horumarka gobolka.

“Ilaalinta amniga shirkadaha halkan ka shaqaynaya anagga ayaa masuuliyaddeeda qaadayna waliba si dhamaystiran,“ ayuu hadalkiisa raaciyay wasiirka oo xusay in si isku mid ah ay amnigooda ay  u dhowrayaan dhamaan shirkadaha shaqada u jooga Somaliland.

Shirkadda Genel oo sidoo kale shidaal ka baaraysa waqooyiga Ciraaq gaar ahaan dhulka Kurdishku ay dagaan ayaa qorshaynaysa in bishan gudaheeda qalabkeeda ay dib u keento Somalialand mar kale ka dib markii ay hakiyeen howlihii shidaal baaarista arimo amni darteed.

Waxaa horey uga howlgalyay Somaliland shirkado ay kamid yihiin Genel Energy Plc(GENL) oo fadhigeedu yahay Ingiriiska , RAK gass LLC oo iyadana laga leeyahay Imaaraadka Carabta iyo waliba shirkadda DNO oo Norway fadhigeedu yahay.

Cabdi Ducaale wasiirka tamarta iyo macdanta Somaliland ayaa beeniyay in ay jiri karto cabsi ay shirkadaha kaga baaqsan karaan shaqada ay hayaan, isagoo si kooban uga hadlay digniinihii sanadkan ay sii daayeen dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ee ku aadanaynd in muwaadiniintooda ay isaga soo baxaan gabi ahaanba Hargaysa iyo dhulka Somaliland oo dhan.

Ugu danbayntii ilaa iyo hadda ma jirto dowlad aqoonsatay maamulka Somaliland oo sheegtay in ay ka madax banaanyihiin Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991 ,waxaana howlahan shidaal baarista ay keeni karaan khilaaf hore leh oo  dhex mara iyaga iyo maamulka Puntland oo uu ka dhaxeeyo muran xagga xaduudaha ah ,waxaana Puntlanday  horey uga digtay in xuduudaheeda shidaal laga baaro.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya