4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 25, 2013
Ciidamad Isbahaysanaya oo fariisimo Ciidan ka Sameystay inta u dhexeysa Magaalooyinka Baladweyne iyo Buulo-burte

Isniin, November 25, 2013 (HOL) — Ciidamada isbahaysanaya ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa fariisimo ciidan ka sameystay inta u dhexeysa Buulo-burte iyo magaalada Balaweyne, iyagoo qorsheynaya inay la wareegaan degmada Buulo-burte oo ay ka taliso Al-shabaab.

Dhaqdhaqaaqyadii ay shalay ciidamadan billaabeen ay kul wareegeen dhowr deegaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, halkaasoo ay horay ugu sugnaayeen Al-shabaab, iyadoo ciidamadu ay horay u sii socdeen saakay oo Isniin ah.

Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in qorshahooda yahay sidii Al-Shabaab ay uga saari lahaayeen deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

Howl-galkan ayaa yimid kaddib markii Al-Shabaab weerarro dhowr ah ka geysteen degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwaasoo ay ku dhinteen dad badan oo isugu jiray ciidammo iyo shacab.

“Qorshahan waa mid billow ah oo lagu doonayo in gobolka oo dhan looga saaro Al-shabaab, wuuna soconayaa inta ay taasi suuro-galayso,” ayuu ku yiri hadal uu warbaahinta siiyay taliyaha ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM, Col. Cismaan Dubad.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Jabuuti ka socda ayaa waxay ku baxeen shalay dhinaca galbeed ee magaalada Baladweyne iyagoo fariisimo ka sameystay deegaanno ka durugsan Baladweyne, halka kuwa Itoobiya oo kusoo dhaqaaqay dhinaca bari ay iyaguna fariisimo ka sameysteen jidka isku xira Baladweyne iyo Buulo-burde.

Holwgalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ciidamada dowladda iyo kuwa gacanta siinaya ay ka sameeyaan gobolka Hiiraan, balse lama oga sida xaalku noqon doono iyadoo Al-shabaabna ay diyaargarow xooggan ku jirto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya