4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 24, 2013
Ciidamada Dowladda Somalia ee Gobolka Hiiraan oo Deegaan Galbeed kaga beegan Baladweyne ku Toogtay Xubno Al-shabaab ah

Axad, November 24, 2013 (HOL) — Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in maanta ay lix ka tirsan xoogagga Al-shabaab ku toogteen deegaanka Jeeloow oo galbeedka Baladweyne ku yaalla.

Dilka xubnahan ka tirsan Al-shabaab ayaa imaanaya xilli ay saakay ciidanka dowladda Soomaaliya io kuwa Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM ay howlgallo lagula dagaalamayo Al-shabaab ka billaabeen deegaannada galbeedka gobolka Hiiraan ku yaalla.

“Xubnahan ka tirsan Al-shabaab waxay xoolo baad ah ka qaadanayay dad reer miyiga ah, waxaana ku tagay ciidamada dowladda, iyago halkaas ku dilay, kaddib markii ay isku dayeen inay is-difaacaan,” ayuu yiri sakaalkan u hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, sarkaalka ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa ay ka helayaan gacanta ay ku jiraan howlgallo ay ka dhan ah deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobolka Hiiraan.

Ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo kuwa Itoobiya ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin hadda deegaanno ka durugsan Baladweyne, iyagoo sheegay in howgalkan uu yahay mid ay ku doonayaan inay Al-shabaab kaga saaraan gobolka oo dhan.

Howlgalladan ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli Al-shabaab ay qaraxyo ka geysatay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, iyadoo mas’uuliyiinta u hadlay AMISOM iyo maamulka gobolka ay sheegeen in howlgalkan uu socon doono inta laga saarayo Al-shabaab gobolka Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada iskaashanaya ay ku wajahan yihiin degmada Buulo-burte oo ah xarunta ugu weyn ee Al-shabaab ay ku leedahay gobolka Hiiraan, si ay halkaas ula wareegaan.

Al-shabaab weli kama aysan hadlin lixda xubnood ee ciidamada dowladda ay maanta ku dileen deegaanka Jeeloow, sidoo kalena kama aysan hadlin Al-shabaab dhaqdhaqaaqyad ay gobolka Hiiraan ka billaabeen ciidamada is-bahaysanaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya