4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 24, 2013
Wariyayaasha Soomaaliyeed ee ku nool Netherland oo u istaagay caawinta Qoysaska Wariyayaal ku geeriyooday Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, 24 November 2013—Waxaa kulan ku yeeshay magaalada Denhaag ee waddanka Holland qaar ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Holland, waxaana kulanka oo uu soo agaasimay suxufiga C/weli Ibraahim (Garyare) looga wadahadlay tayeynta iyo isku xirnaanta suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Holland & sidii taageero & talo mideysan looga geysan lahaa dhibaatooyinka soo gaara suxufiyiinta Soomaalida, gaar ahaan kuwa ka shaqeynaya gudaha dalka Soomaaliya.

Kulankan suxufiyiintu yeesheen wuxuu ka dhacay xarunta (Dalmar Media) waxaa ugu horreyn warbixinno looga dhageystay C/weli Garyare oo ka warbixiyey ujeeddada uu kulanka u iclaamyey, isagoo sheegay in ujeeddadu tahay hagaajinta xiriirka suxufiyiinta & in si mideysan loo taageero qoysaskii ay ka geeriyoodeen suxufiyiintii lagu dilay Muqdisho billihii u dambeeyey.

“Mihnadda saxaafadd waa mid kugu xireysa suxufi kasta, gaar ahaan kuwa aad isku dalka tihiin, luqada keliya ee aad isku fahmeysaana ay tahay shaqadda saxaafadda ee idinka dhexeeysa, marka aad howsha saxaafadda ku jirtana waxaad suxufi kasta ku qiimeyn kartaa howsha uu bulshadda u hayo“ ayuu yiri Garyare, wuxuuna intaa ku daray in kulankani uu yahay mid kaalmo dhaqaale loogu uruurinayo qoyskii uu ka tegay ALLAHA u naxariistee suxufi Maxéd Maxúud Timacadde.

"Annagu inta aan halkan (Holland) joognay waxaa ku dhintay dalkii, gaar ahaan magaalada Muqdisho saaxiibo badan. Ujeedada isku imaatinkeena waa inaan isweydiinno sow waajib naguma aha inaan taageerno qoysaskii ay ka tageen saaxiibadeen “ ayuu yiri Garyare, wuxuuna xusay in suxufiyiinta Holland ku dhaqan oo ka mid ah kuwa tiro ahaan ugu badan ee hal waddan ku nool, in baddan oo ka mid ahna ay ka soo wada shaqeeyeen qeybaha kala duwan ee warbaahinta in lagu ammaani karo sida ay ugu xiran yihiin saaxiibada gudaha dalka ku sugan, oo ay ula xiriiraan shaqsi shaqsi ama koox koox, balse hadda ay doonayaan in iyaga oo isku xiran ay gacan ka geystaan taageerada la siinayo suxufiyiinta, gaar ahaan qoysaskii ay ka tageen suxufiyiintii Muqdisho lagu dilay.


“Waxaan u soo jeedinayaa saaxiibadeey inaan u istaagno sidii aan u caawin laheyn qoysaskii & caruurtii ay ka tageen walaalaheen“ ayuu yiri Garyare.Talo soo jeedinta C/weli Garyare waxaa si weyn u soo dhoweeyey suxufiyiintii kulanka ka soo qeybgashay, waxaana markaa kaddib la guda galay dood ku saabsaneyd sida ugu fudud ee loo waajihi karo talada uu soo jeediyey Garyare.

Waxaa la isku soo qaaday qoddobo dhowr ah, waxaana la dhageystay aragtida ay ka qabaan suxufiyiintii kulanka joogtay oo aaraa´dooda soo bandhigay. C/maalik Yuusuf oo ka tirsan maamulka Idaacadda Dalmar oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in saxaafaddu leedahay awood mug weyn oo isbeddel dhinac kasta ah ay ku curin karaan, wuxuuna tilmaamay in horumar kasta oo ay saxaafaddu tiigsaneyso in ay ka horreyso midowga suxufiyiinta dhexdooda ah.

“Waxaan soo jeedinayaa in la joogo xilli suxufiyiintu meel kasta oo ay joogaan ay cod dheer ku diidaan gummaadka maalin kasta loo geysanayo, gummaadka ma ahan mid joogsanaya haddii aysan suxufiyiintu u midoobin, waa in la isweydiiyaa horta maxaa loo dilayaa suxufigu ee uu galabsaday. suxufigu wuxuu u dhimanayaa waxeey tahay maxaad runta u sheegeysaa”ayuu yiri C/maalik oo intaas ku daray in saxaafadda lafteedu leedahay daldaloollo waa weyn oo wax u dhibaya sumcaddeeda, wuxuuna tilmaamay in wadajirka saxaafaddu keeni karo in ay dhexdooda isa saxaan, taasina ay wax imaan karto marka ay sameystaan guddiyo qabta howlaha kala duwan ee lagama maarmaanka ah.


Saalax Xasan Cumar (Saalax dheere), Cali Muxuddiin Cali & Sayid Cali Caseyroo ka mid ahaa suxufiyiintii kulanka ka hadashay ayaa muujiyeen in wadajirka suxufiyiintu macno weyn uu sameyn karo marka la fahmo. Saalax Dheere ayaa soo jeediyey in la taageero qoysaskii ay ka geeriyoodeen labaddii suxufi ee u dambeeyey ee Muqdisho ku geeriyooday (Ibraahim Radio & Maxamed Timacadde), kaddibna la qabto kulamo caalami ah oo ay ka soo qeybalayaan dhammaan hay´adaha caalamiga ah ee saxaafadda, lana furo doodda dilalka & gummaadka suxufiyiinta.

“Xuquuqda ay leeyihiin suxufiyiinta Afrika ma helaan kuwa Soomaaliyeed, sababta ugu weynna waxey tahay qaska & jaha-wareerka dalka ka jira oo saameyn weyn ku yeeshay saxaafadda“ ayuu yiri Cali Muxuddiin oo ka mid ah suxufiyiintii kulanka ka hadashay.

Cabdixakiin Cabdi Ismaaciil (Ilka-dhagax) oo ah Wakiilka Holland ee TV-ga Qaranka Soomaaliyeed ayaa isna kulanka ka hadlay, wuxuu dhiniciisa dhiirigeliyey in kulamada suxufiyiinta la ballaariyo, gaar ahaan kuwa ay dhexooda yeelanayaan, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in kaalinta saxaafaddu ay tahay mid baylah ah oo laga faa´ideysan, isaga oo ugu baaqay suxufiyiinta in ay meel qura ka soo wada jeestaan.

Cabdiraxmaan oo ah wakiilka Somali Channel ee Holland ayaa dhankiisa waxaa uusoo jeediyey in la qabto bandhig faneed dhaqaale loogu aruurinayo dhammaan wariyayaashii ku geeriyooday Soomaaliya kuwaasi oo ka tagay qoysas u baahan inay  garab ka helaan warbaahinta kale ee Soomaaliya,isagoona baaqiisa u jeediyey wariyayaasha  u damqanaya saaxiibada ay waayeen inay taasi badelkeeda ka shaqeeyaan isku gurmadka.

Gabagabada kulankan ay yeesheen suxufiyiinta waxaa lagu doortay Guddi 4 xubnood ah oo loo xilsaaray in ay dhaqaale ka soo uruuriyaan qeybaha kala duwan ee warbaahinta Soomaaaliyeed ee Holland, waxaana lagu ballamay in yaboohaasi la gaarsiiyo qoysaskii ay ka tageen suxufiyiinta, waxaana lagu ballamay in la joogteeyo kulammada suxufiyiinta Holland.

Gudiga la doortay ayaa waxaa ay kala yihiin.

Abdishakuur Cilmi Xasan:     Guddoomiye
Saalax Dheere:                      Lacag haye
Sayid Cali Caseyr :                Xubin
Cali Muxyadiin :                    Xubin

Saxafiyiinta oo is-taageera ayey uga gudbi karaan dhibaatada hadda gaarka u noqotay ee leh dilka iyo dhaawaca joogtada ah. Waxaana ay farxadgelin doontaa qoysaska ay walaalahaasi wariyayaasha ah ka baxeen oo u arki doona inay wehel heystaan.

Cali Dahir Ciid
Email: [email protected]
Delft, Netherlands