4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 24, 2013
Madaxweynaha Puntland oo Daah-furay Mashruuc ay ku baxayso 3-Milyan oo lagu Daryeelayo Dumarka iyo Carruurta (SAWIRRO)

Axad, November 24, 2013 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaa maanta lagu daah-furay mashruuc ballaaran oo ay ku bixin doonto lacag dhan saddex milyan oo EURO kaasoo la xiriira horumarinta haweenka iyo carruurta Puntland iyo sidoo kale ka hortagga tacadiyada ay la kulmaan.

Mashruucan oo gaar u ah Puntland, waxaa dhaqaalaha ku baxaya oo gaaraya saddex milyan oo Yuuro ku deeqay Midowga Yurub, waxaana maamuleysa hay'adda socdaalka dunida ee magaceeda loosoo gaabiyo IOM.

Munaasabad ballaaran oo  mashruucan lagu daahfurayey, ayaa ka dhacday xarunta wasaaradda caafimaadka ee Puntland, waxaana kasoo qayb galay mas'uuliyiin ay kamid ahaayeen: Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole, wasiirka caafimaadka, wasiirka maaliyadda, wasiirka amniga; iyo wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland.

Sidoo kale, waxaa munaasabaddaas kasoo qayb galay, ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone, iyo weliba safiirrada UK, USA, Italy iyo Australia u jooga Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland oo mashruucan si rasmi ah daah furay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxan yahay islamarkaana uu soo dhaweynayo in la daryeello haweenka iyo dhallaanka Puntland, dadaal badanna lagu bixiyo sidii loo joojin lahaa tacadiyada ay la kulmaan.

Michele Cervone oo ah ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, ayaa isna sheegay in cadaaladda iyo dhowrista xuquuqda aadanuhu ay asaas u yihiin ilaalinta xuquuqda gaarka ah ee dumarka iyo caruurta .

Isagoo ka hadlayey haweenka Puntland iyo kaalinta ay ku leeyihiin siyaasadda iyo weliba go'aan gaarista, wuxuu tilmaamay in kala-bar dadka Puntland ku nooli ay dumar yihiin, sidaas darteed xuquuqda haweenku ay tahay mid aan sinaba laysaga indho tiri karin.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya oo isna munaasabadii lagu daah furayey mashruuca horumarinta haweenka iyo carruunta Puntland iyo ka hortagga tacadiyada ay la kulmaan ka hadlay, ayaa sheegay in horumarinta haweenku ay la micne tahay horumarka bulshada.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, ayaa isna sheegay in horumar ay Soomaaliya gaarto gaar ahaan Puntland, uu ku xiran yahay dadaalka lagu bixiyo dareeylka ay haweenku helaan iyo sida dumarka looga  qayb geliyo fursadaha  dhaqaale ee jira iyo weliba siyaasadda.

Mashruucan oo socon doona muddo saddex sano ah, waxaa dhaqaalaha ku baxaya oo gaaraya saddex milyan oo Yuuro ku deeqay Midowga Yurub, waxaana maamuli doonta hay'adda caalamiga ah ee socdaalka dunida oo magaceeda loosoo gaabiyo IOM.




Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya