4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 24, 2013
Xisbiga Mucaaradka ee WADANI oo Dacwad Ka Dhan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha u Gudbiyay Madaxweynaha Somaliland

Axad, November 24, 2013 (HOL) — Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa sheegay inuu dacwad ka dhan ah wasiirka Arrimaha gudaha u gudbiyey Madxweynaha Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga WADANI, isla markaana uu ku saxeexan yahay gudoomiye ku xigeenka xisbiga, ahna ku simaha gudoomiyaha Axmed Mumin Seed ayaa lagu sheegay in wasiirka Arrimaha gudaha ku eedeeyeen laba qodob oo kala ah inuu xisbiyadda mucaaradka ku sheegay in laga soo maalgalinayo Soomaaliya iyo in sirdoonka Qaranka iyo ciidanka amniguba ku mashquulsan yihiin dabagalka Xisbiyad mucaaradk  ah.

“Waxaanu kula socodsiinaynaa Mudane Madaxweyne in wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, uu ka sii daayey warbaahinta waraysi la yaab leh oo lama filaan ah, aadna  uga argagixiyey  dadweynaha reer Somaliland guud ahaan, Gaar ahaana xisbiyada qaranka ku noqday lama-filaan iyo u qaadan-waa . Nuxurka waraysigaasi, haddii la soo koobana, wuxu ku soo ururayaa laba arrimood. Labada arrimoodba waxay si  toos ah uga soo hor-jeedaan  nidaamka dimiqraaddiga ah ee Somaliland  ku dhaqanto, iyo midnimada iyo madax-bannanida Jamhuuriyadda Somaliland intaba. Labadaas arrimoodna waxay kala yihiin.

1. In xisbiyada Mucaaridka ah ay qaran-dumis yihiin, oo laga soo abaabulo, lagana soo maal-geliyo Somalia.

2. In hay’adaha amniga iyo sirdoonka Somaliland ku hawllan yihiin, xuuraanka, daba-galka iyo jaajuuska  xisbiyada Mucaaridka ah,iyo xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ee dadka shacabka reer Somaliland.  taas oo si toos ah uga soo hor-jeedda distoorka qaranka halkii ay awooddaas gelin lahaayeen sugitaanka amniga iyo nabadgelyada shacabka.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga Wadani.

“Sida aanu kaa filayno  Mudane Madaxwene  kalsoonina ku qabno , taas oo noo   muujinaysa aragtida guud ee ka soo noqonaysa dadweyna reer Somliland, in aanad la qabin Wasiirka labadaas arrimood. Waxannu kale oo aamminsanahay, inay ka mid tahay waajibaadkaaga sharci, inaad dadweynaha iyo Xisbiyada qaranka u muujiso inaadan Wasiirka la qabin, kuna amrin, kuna taageersanayn arrimahaas.

Mar haddii ay sidaas  tahay, waxannu kaa filanaynaa, kaana dalbaynaa :

A.  Inaad marka hore, dadweynaha reer Somaliland u xaqiijiso kalsoonida ay ku qabaan in aadan kula socon Wasiirka Arrimaha  Gudaha ee magaca xakuumadda aad Madaxweynaha ka tahay, ku hadlay. Taasoo micnaheedu yahay marka la soo ururiyo (I) inaadan la qabin in xisbiyada mucaaridka ah ee qaranka laga soo abuubulin,  lagana soo maal-gelin Soomaaliya. (II) In dadka aad u xaqiijiso in nidaamka siyaasiga ah ee dalku uu ka  kooban yahay hannaanka xisbiyada badan ,  isla markaana aan  midkoodna  cadow ku ahayn jiritaanka iyo madaxbannaanida Somaliland sida dastuurka qarankuba tilmaamayo

B. In  xisbiyada mucaaridka ahi ay leeyihiin awood, sharci iyo karaamo lamida ta u leeyahay xisbi xaakimka maanta  talada haya, marka laga reebo inuu  maamuulo  xukuumadda.

Waxaanu kaa dalbaynaa, Mudane Madaxweyne in  si ka duwan sida Wasiirka Arrimaha Gudahu u hadlay, in aad dadweynaha reer Somaliland  kalsooni ku siiso in Xisbiyada qaranku aanay ahayn qaran -dumis

Mudane madaxweyne, annaga oo qabna kuna qanacsan in aad talada dalka ku timi sifo  dimuqraaddi ah oo sharci ah, waxannu, haddii aanu nahay Xisbiga WADDANI, kuu xaqiijinaynaa, in aannu aaminsannahay in xisbiga WADDANI uu talada dalka ku iman karo oo keliya dariiq sharci, iyo tartan dimuqraaddi ah , lana mid ah sidii xisbiga kulmiye oo mucaarid ahaan jirey, uu ku yimid talada dalka Jamhuuriyada Somaliland”ayaa ayuu yidhi Axmed Mumin Seed gudoomiye ku xigeenka WADANI.

Waxaanu intaas ku daray: “Waxaan xisbi ahaan kaa dhawraynaa tallaabo waafaqsan sharciga, Distoorka iyo danta guud ee qaran, in aad ka qaaddo deel-qaafka  Wasiirka Arrimaha Gudaha. Haddii kale waxad dariiqa u furaysa inuu lumo ku- dhaqanka sharcigu (rule of law), madaxda xukuumadduna u dhaqmaan sidii xukunkii digtaatooriga ahaa ee la iska xoreeyey”.

Si kastaba ha ahaatee, Xisbiga Mucaaradka ayaa si weyn uga gilglishay eeddo uu wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancadde dusha ka saaray xisbiyada mucaaradka ah, kaas oo uu sheegay in qabanqaabada shir ay xukuumaddoodu ka soo horjeedo ka dambayso  xukuumadda Soomaaliya.

Haseyeeshee Dacwadan loo gudbiyey madaxweynaha ayaa laga war sugayaa talaabadu qaadi doono, isla markaana inuu wasiirkiisa la qabo eedaasi iyo in kale.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland