4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 24, 2013
Golaha Wasiirada oo ka dooday Miisaaniyada 2014-ka dhageysatayna War-bixin laga soo diyaariyay Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Axad, November 24, 2013 (HOL) — Shir deg-deg ah oo ay maanta yeesheen wasiirrada xukuumadda Somalia ayaa lagu dhagaystay warbixin ay soo gudbiyeen guddi wasiirro ah oo loo diray gobolka Hiiraan, iyagoo sidoo kalena ka dooday miisaaniyada sannadka 2014-ka.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyaya ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) aya ugu horreyntii wuxuu ra’iisul wasaaruhu ku aamanay guddiyadii wasiirrada ahaa shaqada wanaagsan oo ay kasoo qabteen gobolladii loo kala diray.

“Waa shaqo fiican oo billow ah howsha ay soo qabteen guddigii wasiirrada ahaa ee gobolka Hiiraan loo diray, waxayna dowalddu ka shaqeyn doontaa in xoojiyo kalsoonida dadka si wada-shaqayn buuxda loola yeesha shacabka, ciidamadana kaalintoodu noqoto sugidda amniga muwaadiiinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Saacid.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga, C/kariin Xuseen Guuleed oo hogaaminayey gudigii aaday magaalada Beladweyn ayaa ka war-bixiyay kulammadii ay la qaateen bulshada qaybaheeda kala duwan.

“Kulankii aan la yeelanay dadka reer Beladweyne waxay noo muujiyeen sida ay u jecel yihiin dowladnimada, waxayna noo ballan-qaadeen inay xoojin doonaan isku xirka dadka iyo dowladda, dhankayaga waxaan soo dhaweeyay kuna taageernay shacabka reer Hiiraan dadaalkooda ay ku doonayaan inay ku samaysataan maamul ay shacabku soo doorteen, taasoo ka turjumaysa siyaasadda dowladda, si meesha looga saaro maamulladii lasoo magacaabi jiray,” ayuu yiri wasiirka.

Isagoo dhanka kale xusay in qaraxii ka dhacay Beladweyn ay ku dhinteen ciidammo booliis ah oo isku diyaarinayay inay tukadaan salaadda duhur, taasoo muujinaysa in kooxda nabad-diidka ah aysan xurmaynayn salaadda iyo diinteenna suuban.

Dhanka kale, wasiirka maaliyadda iyo qorshaynta Somalia, Maxamud Xasan Suleyman ayaa ka warbixiyay miisaaniyadda ay qorshaysay wasaaraddiisa sannadka 2014, taasoo ay ka muuqatay koror siyaado ah marka loo fiiriyo miisaaniyaddii sannadkan hore ee 2013.

“Miisaaniyadda sannadkan 2014 aan qorshaynay ayaa gaaraysa 219 milyan oo doollar. Miisaaniyaddan ayaa ah mid ka badan tii sanadkii hore oo ahayd 128 milyan oo doollar, waana mid ku timid dakhliga gudaha dalka, halka 91 milyan ay ka imaanayso kaalmada caalamiga ah, waxaa miisaaniyada cusub qayb ka ah 137 milyan oo loogu talo-galay horumarinta oo aan dowladda soo mari doonin,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda.

Ugu danbayn, golaha ayaa sheegay inay kasii doodi doonaan miisaaniyadda, taasoo sii socon doonta toddobaadka soo socda, si loo turxaan bixiyo loona helo miisaaniyad la jaan qaadi karta dhibaatoyinka dhaqaale ee dalka ka jirta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya