4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 24, 2013
Warar Dheeraad ah oo kasoo baxaya Howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ka billowday Deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan


Axad, November 24, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada Jabuuti Col. Cismaan Dubad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal saacadihii hore ee maanta ay ka bilaabeen ciidamada dowladda, AMISOM iyo kuwa Itoobiya saldhigyada Al-shabaab ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada saakay ku baxeen labo jiho oo kala ah sida uu hadalka u dhigay Bariga iyo Galbeedka magaalada Beledweyne, iyaga oo gaaray ayuu yiri saldhiyo ay lahaayeen Al-shabaab.

‘’Ciidamada saakay waxaa ay u dhaqaaqeen labo jiho iyaga oo ujeedadoodu tahay in ay ku beegsadaan Al-shabaab saldhigyada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan, xiligan ciidamada waxaa ay ku sugan yihiin dhinaca Galbeedka deegaannka lagu magacaabo Raan-gaabo oo ka mid ahaa saldhigyada Al-shabaab, dhinaca Bari ciidamada waxaa ay sii dhaafeen deegaannka Baar-dheere,’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka AMISOM.

Col. Cismaan Dubad ayaa sheegay in howlgalkan uu noqon doono mid bilow ah u ah qorshe la doonayo in guud ahaanba gobolka looga saaro Al-shabaab, isaga oo intaa ku darray in ilaa iyo hadda aysan jirin wax iska cabin ah oo ay la kulmeen ciidamada.

‘’Intii uu howlgalku socday saacadihii aynu soo dhaafnay wax iska caabin ah lama aysan kulmin ciidamada, meel kasta oo ay tagaan waa ay ka sii firxannayeen koooxaha nabad-diidka [Al-shabaab] ayuu intaa raaciyay taliyaha ciidamada Jabuuti.

Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa saakay waabarigii hore ku Idha-qaaday ciidamo ku hubeysan gadiidka dagaalka kuwoodii ugu badnaa oo u ruqaansaday saldhigyada Al-shabaab  kadib Labo weerar Ismiidaamin ah  oo bil gudaheed ka dhacay magaalada Beledweyne.

Taliyaha ma uusan sheegin in ciidamada saakay ka dhaq-dhaqaaqay magaalada Beledweyne ku wajahan yihiin degmada Buula-burte, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in uu bilow u yahay howlgalkan qorshe la doonayo in lagu gaaro dhamaan deegaannada ku jira gacanta Al-shabaab.

Ilaa iyo hadda ma jiro faah faahin dheeraad ah oo ay warbaahinta siiyeen saraakiisha ciidamada dowladda ee maamulka gobolka Hiiraan ee qeybta ka ah howlgalka ka dhan-ka ah saldhigyada Al-shabaab ee gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya