4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 24, 2013
Ciidamada ilaalada waddooyinka ee Somaliland oo la guddoonsiiyay gaadiid loogu Talo-galay Nabad-galyada Waddooyinka


Axad, November 24, 2013 (HOL) — Ciidamada Ilaalada Jidadka Somaliland ayaa markii ugu horreysay la guddoonsiiyay gaadiidka ah gurmadka ee loogu talo-galay isticmaalaan ilaalada waddooyinka, waxaana gaadiidkan si rasmi ah loogu wareejiyay taliska booliiska Somaliland.

Wasiirka  arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay in toddobo gaari oo nooca ciidamada ilaalada waddooyinka ay u isitmaali doonaan howlahooda ay ku wareejiyeen taliska ciidamada booliiska.

“Gawaaridan waxay ciidamada ilaalada waddooyinka u fududeyn doonaan howlahooda ilaalada waddooyinka Somaliland,” ayuu yiri Waran-cadde oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.

Taliyaha Booliiska Somaliland, Jen. C/llaahi  Fadal Iimaan oo la wareegay gawaaridan ayaa sheegay inay wax badan ka tari doono howlaha ay qabtaan booliiska, gaar ahaan ciidamada ilaalada nabad-gelyada waddooyinka.

“Ciidamada booliiska iyo kuwa nabad-gelyada waddooyinka si feejigan ayay u qaban doonaan howlaha loo idmaday, isla markaana waxay il gaar ah ku hayn doonaan gawaarida isticmaalo waddooyinka,” ayuu yiri Fadal oo intaa ku daray inay bateen shilalka ka dhaca waddooyinka.

Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa waxaa xilliyadii dambe ku soo badanayay shilalka gaadiidka gaar ahaan waddooyinka isku xira Berbera iyo Gabiley; iyadoo shilalkii ugu dambeeyay ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof.

Dhanka kale, sarkaal u hadlay ciidamada ilaalada waddooyinka Somaliland ayaa sheegay inay qaban doonaan cid walba oo aan wadan ruqsadaha loogu talogalay ilaalada waddooyinka.

Sarkaalku wuxuu sheegay in maanta ay Hargeysa ka billaabeen baaritaanno ay ku sameynayaan wadayaasha gaadiidka, iyagoo weydiinaya inay wataan rusadaha wadista gaadiidka, taasoo uu sheegay inay uga hortagayaan inay shilal dhacaan.

Ugu dambeyn, sarkaalku wuxuu sheegay in qofkii la qabto isagoo aan sharci haysan ama aanu u xirnayn suumanka badbaada ay sharciga horgeynayaan si ay waajibkiisa u waafajiyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya