4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 24, 2013
Xildhibaannada Baarlamaanka oo maanta loo Qaybiyay Mooshin ka dhan ah Xukuumadda iyo Muran Hareerayay Kulanka (SAWIRRO)


Axad, November 24, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo qaybiyay maanta mooshin ka dhan ah xukuumadda ra'iisul wasaare Saacid inkastoo uu ka dhashay kulanka dood ku saabsan mooshinka oo xildhibaanada qaarkood ay ku tilmaameen inuusan ahayn mid sharci ah.

Kulanka oo ay soo xaadireen 211 mudane ayaa waxaa shir-guddoominayay, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana uu halkaas ka akhriyay mooshinka, isagoo sheega yinay soo gudbiyeen 165-mudane.

Xildhibaanno taageersan ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dalbaday in lagu soo cadeeyo mooshinka xildhbaannada saxiixay, iyagoo sheegay in mooshinka uu sidaas sharci ku noqon karo. Iyadoo intaas kaddib Jawaari uu sheegay in marka laga doodayo lasoo gudbin doono magacyada xildhibaannada saxiixay.

Fadhigii baarlamaanka ee looga hadlayay mooshinkan ayaa wuxuu ahaa mid ay albaabbadu u xiran yihiin oo loo diiday in saxaafaddu goobjoog ka ahaato; balse mudanayaal kulan ka qaybgalay ayaa arrintan warbaahinta u xaqiijiyay.

Doodda kaddib ayaa waxaa guddoomiyaha baarlamaanku uu sheegay in muddo shan casho ah ay xildhibaannadu soo akhristaan mooshinka ayna dooddiisu billaaban doono maalinta Sabtida ah oo ay bishan ku beegan tahay 30-ka.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay u muuqdaan kuwo u qaybsan laba garab, iyadoo dhinac ay taageersan yihiin madaxweynaha iyo mooshinka laga keenay xukuumadda, halka kuwo kalena ay u muuqdaan in ay taageersan yihiin ra’iisul wasaaraha oo ay kasoo horjeedaan mooshinka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu go'aan ka gaari doonaa mooshinka, iyadoo haddii kalsoonida lagala laabto xukuumadda Saacid ay noqon doonto in madaxweynuhu uu soo magacaabo ra'iisul wasaare kale, haddiise lagu guul-darreysto ay xukuumaddu sii shaqeyn doonto.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Jawaari ayaa dhawaan sheegay in haddii xal laga gaari waayo muranka u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya uu baarlamaanku go'aan ka gaari doono, isagoo sheegay inuu ku kalsoon yahay in baarlamaanku uu xal ka gaarayo arrintan.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya