4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 24, 2013
Ciidamada Dowladda Somalia, kuwa Jabuuti (AMISOM) iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Hiiraan oo u Dhaqaaqay dhinaca Buulo-burte


Axad, November 24, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa u dhaqaaqay dhinaca degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ka taliso Al-shabaab.

Saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu doonayo sidii Al-shabaab looga saari lahaa saldhigyada ay gobolka ku leedahay, iyagoo sheegay in ciidammo lugta ah ay xalay ku baxeen laba jaho, saakayna ay magaalada ka ambabaxeen gaadiidkii dagaalka.

“Ciidammo lug ah oo aad u hubeysan ayaa xalay gellinkii dambe ka baxay Baladweyne, waxayna ku kala baxeen dhinayada bariga iyo galbeedka magaalada,” ayuu yiri sarkaalka oo intaas ku daray in qorshuhu yahay in ciidamadu ay maanta gaaraan degmada Buulo-burte.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya oo dhinaca Bariga ku baxay ay ku dhow yihiin deegaanka Garasiyaani, halka kuwa Jabuuti iyo Somalia oo iyaguna ku baxay dhinaca Galbeedka ay ku dhow yihiin deegaan lagu magacaabo Luuq-jeeloow.

Howlgalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ay ku dhaqaaqaan ciidamada ka socda Itoobiya iyo Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan iyo kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana howgalkan ka dhashay weerarro is-xigay oo ay Al-shabaab ka geysatay degmada Baladweyne.

Wixii warar ah ee kasoo kordha howgalkan waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya