4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 24, 2013
Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya oo sheegay inay ciidanka Jabuuti sii wadi doonaan Howsha lagu soo celinayo nabdda Somalia

Axad, November 24, 2013 (HOL) — Danjiraha Jabuuti u fadhiya Somalia, Dayib Dubad Rooble oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay sii wadi doonaan ka qaybqaadaasha howlaha lagu soo celinayo nabadda Soomaaliya.

Dubad oo warbaahinta kula hadlay Xalane oo ay yaallaan dhaawacyadii qaar ka mid ah askarta Jabuuti iyo kuwa Somalia ee ku dhaawacmay weerarkii ay dhawaan Al-shabaab ku qaadday degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

“Ciidamadeennu uma joogsan doonaan qaraxyo iyo wax la mid ah, waxaana ka go’an inay howsha nabad  raadinta Soomaaliya sii wadaan, waayo halkan uma aysan imaan inay iska tagaan ee waxay u yimaadeen in walaalahooda ay caawiyaan inta awooddooda ah,” ayuu yiri danjire Dubad.

Sidoo kale, safiirku wuxuu sheegay inay rajeynayaan in Somalia ay nabad noqoto lagana adkaado Al-shabaab. Isagoo xusay in kooxdan ay dhibaato ku hayso shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo doonaysa inay caawiso.

“Howlgalka waan wadaynaa illaa aan aragno Soomaaliya oo nabad ah, taas ayaa innaga sharaf inoo ah, xoogga ayaana saaraynaa sidii dhawaan ay ku noqon lahayd Soomaaliya nabad loogana saari lahaa Al-shabaab,” ayuu mar kale yiri safiirka Jabuuti ee Soomaaliya.

Isbitaalka Xalane ayaa waxaa ku jira 12-askarta Jabuuti ka tirsan oo qaba dhaawacyo kala duwan iyo 13-askari oo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo iyaguna dhaawacyo kala duwan ay kasoo gaareen weerarkii lagu qaaday saldhigga booliiska Baladweyne.

Weerarkaas ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa caawinaya ee AMISOM, iyadoo weerarkaas oo isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah ay ku naftooda ku waayeen in ka badan 20-qof oo isugu jira shacab iyo ciidammo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya