4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 24, 2013
Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo Maanta loo Qaybinayo Mooshinkii laga keenay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Axad, November 24, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa lagu wadaa in maanta loo qaybiyo mooshin ka dhan ra’iisul wasaaraha Somalia oo Khamiistii lasoo dhaafay loo gudbiyay guddoonka baarlamaanka.

Mudane Maxamed Cumar oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ayaa sheegay in kulanka barlamaanka ee maanta looga hadli doono laba ajande oo kala ah, mooshinka laga keenay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo sidoo kale akhrintii labaad ee sharciga bangiga horumarinta.

“Kulanka maanta waxaa xildhibaannada loogu qaybin doonaa mooshinkii ay mudanayaan ka tirsan baarlamaanka u soo gudbiyeen guddoonka, iyadoo loo qaban doono maalin laga doodi doono mooshinka,” ayuu yiri Cumar oo intaas ku daray in kulanka maanta uu yahay mid xasaasi ah.

Dhawaan ayay ahayd markii xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ay u gudbiyeen guddoonka sare mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaare Saacid kaasoo ku aaddan in kalsoonida lagala laabto xukuumadda.

Mudanayaashan qaarkood ayaa ku eedeeyay xukuumadda xil-gudasho la’aan taasna ay tahay sababta ay u keeneen mooshinka, iyadoo mooshinkan ay ku saxiixan yihiin in ka badan 168-mudane. Inkastoo ay jiraan xildhibaanno aad uga soo horjeeda mooshinkan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa horay u sheegay in khilaafka isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya u dhexeeya uu yahay mid dastuuri ah uuna u yahay diyaar in lagu kala baxo dastuurka.

Lama oga halka uu u dhici doono go’aanka baarlamaanka kaddib markii laga doodo mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, inkastoo ay ka socdaan Muqdisho ololayaal ay wadaan xildhibaanno fikir ahaan iska soo horjeeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya