4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 24, 2013
Dhallinyaro badan oo Maanta laga Qabqabtay Magaalada Baydhabo, iyadoo laga cabsi qabo inay dhacaan Qaraxyo


Axad, November 24, 2013 (HOL) — Taliyaha qaybta booliska ee gobalka Bay Col. Mahad Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta u sheegay inay Baydhabo soo galeen dhallinyaro doonaysa inay fuliyaan qarax ismiidaamin ah; taasoo ay ka dhalatay in la sameeyo howlgallo dad badan lagu soo qabqabtay.

Col. Mahad ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay heleen warbixin ku saabsan in qaraxyada la doonayo in maanta oo Axad ah la fuliyo, iyadoo howlgalkii la sameeyay lagu qabqabtay boqalaal dhallinyaro ah, kuwaasoo qaarkood ku haystay magaalada meherado ganacsi.

Sidoo kale, Col. Mahad C/raxmaan ayaa hadalkiisa ku daray inay howgalladu ay socon doonaan, ayna ku bartilmaameedsanayaan xoogagga ka tirsan Al-shabaaba iyo cid walba oo lagu tuhmo inay xiriir la leedahay kooxdan.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa gaaraya ergooyin kala duwan si ay uga qaybgalaan shirka maamul u sameynta lixda gobol ee ku yaalla Galbeedka iyo Koonfurta Somaaliya.

Dhanka kale, Baydhabo waxaa gaaray dhakhaatiir caafimaad oo ka socda wasaarada adeegga bulshada qaybteeda caafimaadka , kuwaasoo imtixaan ka qaadayay ardayda soo dhameystay dugsiyada sare si loogu tabbabaro labada sano ee soo socota umulisonimo. Kontonka arday ee ugu natiijo fiicnaada ayaana laga qaadayaa, sida uu sheegay Dr. Yuusuf oo ah isku-duwaha wasaaradda caafimaadka caafimaadka ee gobolka Bay.

Hadalka taliyaha booliiska gobolka Bay ee ku saabsan qaraxyada laga baqdin qabo inay Baydhabo ka dhacaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo booliiska gobolka Bay uu si cad u sheego.

Hiiraan Online, Baydhabo