4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 23, 2013
Taliyaha Xabsiga dhexe ee Baydhabo oo sheegay in Maxaabiista Xabsigaas ku aysan Cunno helin Muddo ka badan 48-saac

Sabti, November 23, 2013 (HOL) — Taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo, Col. Yuusuf Macallin ayaa sheegey in dhibaaato adag oo dhanka nolasha soo food-saartay maxaabiista ku jirta xabsiga Baydhabo, kaddib markii muddo 48-saacadood ah aysan helin wax cunno ah.

Maxaabiista ayaa dhammaantood waxay yihiin kuwo siyaabo kala duwan loo eedayay isla markaana horay xukunno kala duwan ugu dhacay sida uu mar kale sheegay taliyaha xabsiga Baydhabo. Isagoona ku baaqay in si deg-deg ah loo soo gaaro maxaabiista cunno.

“Maamulka gobalka iyo kan degmada waxaan ugu baaqaynaa inay cunno la soo gaaraan maxaabiista, maadaama aysan cunno helin in ka badan laba maalmood, xaalad adagna ay lasoo daristay,” ayuu yiri Col. Yuusuf Macallin.

Ma jiro hadal kasoo baxay maamulka gobolka iyo kan degmada Baydhabo oo ay kaga jawaabeen hadalka taliyaha, iyadoo maxaabiista xabsiga ku jira ay ka mid yihiin kuwo loo haysto inay Al-shabaab ka tirsan yihiin kuwo dilal ka geystay deegaanno gobolka ka tirsan.

Khamiistii lasoo dhaafay ayaa guddi odayaal ah oo ka kooban 19 xubnood waxay ku dhawaaqeen inay xilka ka qaadeen guddoomiyaha Baydhabo, Xasan Macallin Biikole kaddib markii ay ku eedeeyeen maamul xumo iyo musuqmaasuq.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli degmada Baydhabo uu ka socdo shir la doonayo in maamul loogu sameeyo lix gobo loo ku yaalla Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya, kaasoo galay marxaladihiisii ugu dambeeyay.

Hiiraan Online, Baydhabo