4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 23, 2013
Safiirka Turkiga ee Somalia oo sheegay in ay ku Dadaalayaan sii socoshada Wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya (SAWIRRO)


Sabti, November 23, 2013 (HOL) — Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Cemalettin Kanu Turan iyo wefti uu hoggaaminayo oo ganacsato ah oo socdaal shaqo  ku yimid Somaliland ayaa sheegay in Turkigu uu ku dadaalayo sidii ay u sii socon lahaayeen wada-hadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.

Safiirkan oo shalay galab ka soo degay madaarka Cigaal International Airport ee magaaladda Hargeysa, ayaa dalka joogi doonna muddo afar cisho ah, isla markaana soo booqan doono magaalooyin ka mid ah Somaliland.

Safiirka Turkiga ayaa sheegay inay Turkigu sii wadayo sidii uu usii socon lahaa wada hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya ee Turkigu martigalisay.

“Waxa ka mid ah ujeedada socdaalkayga sidii loo sii wadi lahaa wada hadaladii dalkayga Turkigu marti-gelinayay ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, inkasta oo ay jirraan mawduucyo siyaasiya haddana waxaan rajaynaynaa in la sii wadi doono wada hadaladan,”ayuu yidhi Danjiraha Turkigu oo ka hadlayey ujeedada socdaalkiisa uu ku yimid Somaliland.

“Waxa maanta inoo yimid Safiirka Turkiga iyo wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayo oo ka yimid dalka Itoobiya, ujeedada socdaalkooduna waxa uu la xidhiidhaa sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha iyo siyaasadaba,”ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shirre oo ka mid ahaa Wasiirradii soo dhaweeyay weftigaasi.

Weftiga ka socda dalka Turkiga waxa madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiirka Qorshaynta, wasiirka Beeraha iyo Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga.

Safiirka waxa socdaalkiisa ku wehelinayey xubno ka socda ganacsato oo ka soo kicitay Itoobiya, kuwaas oo indho indheyn doono ganacsiga Somalliland, isla markaana booqan doono qaar ka mid ah magaalooyinka dalka oo ay u kuur-galayaan xarakaadka ganacsiga.

Sidoo kale, waxa  safiirku la kulmi doonaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka tirsan wasiiradda.

Si kastaba ha haatee, waxa la filayaa inuu u yimid sidii loo xoojin lahaa wada hadalkii u socday labadda dhinac iyo inuu Somaliland kala hadlo khilaafka soo kala dhexgalay Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana wada hadalkii u dhexeeyey labadda dhinac qorshuhu ahaa inuu bilaabmo horaanta bishan December.




Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland