4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 22, 2013
DANJIRE KAY: “Arrimaha Dooraashada Puntland way socdaan, balse waxaa jira Arrimmo weli u baahan in wax laga Qabto”


Jimco, November 22, 2013 (HOL) — Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa maanta soo gabagabeeyay  booqasho seddex maalmood qaadatay oo uu ku tagay Puntland, isagoo tagay degmooyinka Gaalkacyo, Boosaaso iyo xarunta Puntland ee Garoowe.

Booqashadan ayaa ahayd mid uu ugu kuurgalayay xulitaanka xildhibaannada baarlamaanka Puntland iyo doorashada madaxwaynenimo oo lagu wado inay dhacdo sideedda bisha Jannaayo ee sannadka soo socda 2014-ka.

Mudane Kay ayaa kulammo kala duwan la qaatay intii uu safarka ku joogay Puntland madaxwanaha maamulkaas, C/raxmaan Farooel, musharraxiinta u taagan xilka madaxweynimo,  odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah oo ay ku jiraan haweenka.

“Guud ahaan, waxaa la ii sheegay in diyaargarowga doorashada ay si aad u wanaagsan ku socoto. Waxaa kaloo aan la fajacay sida ay ruux walba uga go’an tahay helitaanka doorasho ku dhisan nabad oo xor ah haddana hufan.  Hase yeeshee waxaa loo baahan yahay in wax laga qabto arrimaha qaarkood si loo helo natiijo qof walba uu ku kalsoonaan karto’, ayuu Kay ku yiri war uu ugu talogalay saxaafadda oo uu caawa soo saaray.

“Oday Dhaqmeedyada, murashaxiinta iyo bulshadda rayidka dhammaantood waxay soo dhaweeyeen sida uu Madaxwaynaha u doonayo inuu wadda-tashi guud u sameeyo ka hor inta uusan magacaabin guddigga xalinta khilaafka iyo dib u heshiisiinta. Dadka dhammaantooda waxay hoosta ka xariiqeen in ay muhiim tahay in wadatashi sidan oo kale uu dhaco,” mar kale yiri Kay.

Ergayga ayaa sheegay inta badan dadkii uu la kulmay uu madaxweynuhu ka mid ahaa ay ku raaceen walaaciisa ku saabsan haweenkii aadka u yaraa ee ku jiray baarlamaankii u dambeeyay. Sidaas darteed, ergaygu wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay inay hal haween ah gobol walbka kasoo gasho baarlamaanka cusub ee xulayo.

Sidoo kale, ergayga wuxuu sheegay in Jen. Saciid dheere oo ah mas’uulka amniga ee doorashada Puntland ay ku kalsoon yihiin murashaxiinta xilka u taagan, isagoo sheegay in murashaxiintii uu la kulmay ay u sheegeen inay kalsooni buuxda ku qabaan sarkaalkan. Ergayga ayaa ugu baaqay dhamaan musharaxiinta Puntland inay u tartamaan si ay ku dheehan tahay nabad iyo mas’uuliyad, kana qayb-qaataan sidii doorasho nabad ahi ku dhici lahayd.

Waxa kale Mr. Kay uu sheegay inay muhiim tahay inay murashaxiintu helaan amni ku habboon - mid walba - marka uu soo galo ama ay soo wadda galaan magaalada Garoowe.

Wakiilka waxaa kaloo uu aad u ifiyay doorka ay leeyihiin warbaahinta, taas oo ku aadan mas’uuliyada ka dhalanaysa soo tebinta warka marka loolanka doorashada lagu jiro iyo sida loo doonayo in warbaahintu madax-bannaani taam ah ay hesho.

“Musharrax kasta waa inuu warbaahinta u helaa fursad si uu halkaasi uga jeediyo loolankiisa ku aaddan doorashada; warbaahintana waxaa ka mid noqonaysa tan ay leedahay dowladda. Wariyeyaasha waa inay madax-bannaanaadaan si ay u soo tebiyaan geedi socodka doorashada,” ayuu mar kale yiri Kay.

Ugu dambeyn ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu sheegay in xafiiskiisa uu si hoose ula socon doono habka doorashadda. Waxaana ku dadaali doonnaa sidii lagu heli lahaa doorasho xaq iyo xor ah oo ay nabadi ku dheehan tahay.      

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya