4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 22, 2013
Mid ka mid ah Eedeysanayaal loo haysto weerarkii dhismaha Westgate Mall oo iska Fogeeyay inuu Xiriir la leeyahay Al-shabaab


Jimco, November 22, 2013 (HOL) — Mid ka mid ah afar tuhmane oo dowlada Kenya ay ku eedeysay inay ku lug lahaayeen weerarkii Westgate Mall ee dhacay bishii September ee sannadkan aya adiiday eedeyntii ay maxkamaddu u soo jeedisay, isagoo sheegay inuu yahay nin muslim ah oo ku dhaqma diintiisa.

Aadan Maxamed C/qaadir Aadan iyo saddex ruux oo lagu kala magacaabo, Maxamed Axmed Cabdi, Liibaan Cabdullaahi Cumar iyo Xuseen Xasan Mustaf ayaa iska fogeeyay inuu galay dambiga lagu soo oogay kaddib markii maalintii Arbacada ahayd lasoo taagay maxkamad ku taalla Nairobi. Wuxuuna ruuxan diiday inuu taageero Xarakada Al-shabaabta ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Sidoo kale, eedeysanayaashan ayaa loo haystaa inay si sharci-darro ah ay kusoo galeen dalka Kenya, ayna isticmaalayeen aqoonsiyo ama warqado been abuur ah.

“Anigu waxaan ahay qof Muslim ah oo ku dhaqma diintiisa, mana rumeysani in diinta Islaamku ay ogoshahay in la dhibaateeyo bani’aadamka, wax lug ahna kuma lihi weerarkii lagu qaaday Westgate Mall,” ayuu yiri Aadan.

Saddexda ruux ee kale ayaa qorsheynaya inay rafcaan ka qaataan dacwada lagu soo oogay, balse si toos ah uma diidin inaysan ku lug lahayn eedeynta loosoo jeediyay.

Weerarkii Westgate Mall oo socday muddo afar maalmood ah ayaa waxaa ku dhintay 67-qof oo Kenyan iyo ajnabi isugu jiray, waxaana mas’uuliyadiisa si cad u sheegatay kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay inuu u yahay aar-gudasho dad ay ciidamada Kenya ku laayeen gudaha Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerarro kale oo noocaas oo kale ah dalka Kenya ka geysan doonto haddii aysan si dhaqso ah ciidamadooda ka tirsan AMISOM ugala bixin gudaha Soomaaliya, balse madaxda Kenya ayaa si cad ugu gacan-sayray codsigaas.

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in weerarkii Westgate ay ku dishay afar qof oo ay sheegtay inay weerarkaas qaadeen, inkastoo ay xukuumaddu ku adkeysanayso inay jiraan dad baxsaday oo weerarkaas ku lug lahaa.

Dhanka kale, booliiska Kenya oo kaashanaya khuburo ka socda booliiska adduunka ee Interpol iyo hay’adda amniga gudaha Mareykanka ee FBI ayaa baadi-goob ku haya laba ruux oo Somali ah oo lagu kala magacaabo, Xasan Cabdi Dhuxuloow oo 23-jir oo muddo ku noolaa dalka Kenya iyo Maxamed C/nuur Siciid oo aan la sheegin da’diisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya