4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 22, 2013
Xafiiska Qaramada Midoobay oo Dowladda Somalia uga digay Xarigga gabar sheegtay in la Kufsaday iyo Wariyhii Wareystay


Jimco, November 22, 2013 (HOL) — Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dalbaday in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo kufisga loo gaystay gabar 19- sano jir ah, taasoo markii danbe ay ciidamada booliiska Muqdisho xabsiga dhigeen iyada iyo wariyihii waraystay oo lagu magacaabo Maxamed Bashiir Xaashi.

Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Kay oo arrintan ka hadlayay isagoo ku sugan Puntland shalay ayaa dowladda Soomaaliya uga digay xariga loo gaystay gabadhaas la kufsaday, isagoo xusay in muhiim ay tahay baaritaan ku aaddan sida ay wax u dhaceen oo la sameeyo.

“Qaramada Midoobay waxey ka fiirsanaysaa oo ay baaraysa eedaymaha la xiriira kufsiga cusub ee Muqdisho laga soo sheegay annaga oo arintan in badan ka digayana”ayuu yiri Nicolos Key oo nasiib darro ku tilmaamay sida dowladda ay  ula dhaqantay gabadhaas dhibnaha ah.

Waxa kaloo Kay uu si gaar ah uga hadlay xoriyadda saxaafadda Soomaaliya oo uu sheegay in ay u tahay   lagama maar-maan  wada shaqaynta dowladda iyo saxafiga ,isla markaana loo baahanyahay in la dhowro.

“Mid ka mid ah raggii i kufsaday ayaa iigu hanjabay baskoolad uu watay, isagoo si xoog ah iigu kaxaystay qol cidla ah, waana ay i kufsadeen marar kala duwan, iyagao bur-buriyay sumcadaydi gabarnimo,” ayay tiri gabadhan la kufsaday ka hor inta aysan xirin ciidamada dowladda.

Afhayeenka madaxtooyada dowladda C/raxmaan Cumar Cismaan (Yarisow) oo isna arintan ka hadlay ayaa sheegay in xiligan su’aallo la weydiinayo labada ruux ee ciidamadu ay xireen ,isla markaana  dowladdu ay ilaalinayso xoriyadda saxaafadda Soomaaliya.

“Wariyayaashu shaqo muhiim ah ayey qabtaan ,waxaana doonaynaa in howlahood ay u gutaan bilaa cabsi “ayuu yiri Abdirahman Omar oo xusay in dastuurka dalka ku qorantahay ilaalinta xoriyadda saxaafadda.

Dhinaca kale hayadda xaquuqul insaanka difaacda ee  Human Rights Watch (HRW) ayaa dowladda Soomaaliya ku eedaysay in kiisaska noocaan oo kale ah aan loo baarin sidii loogu tala-galay ,isla markaana sheegtay in Muqdisho ay aad ugu soo badanayaan kufsiga lagu hayo dumarka gaar ahaan kuwa barakacayaasha ah.

Ugu danbayntii hadalka ka soo baxay Niclos key ayaa u muuqday mid dowladda Soomaliya looga dalbanayo in xoriyadooda ay dib u helaan gabadhaas iyo waliba wariyaha waraystay oo maalintii labaad u xiran ciidamada dowladda ka dib markii waraysiga gabadha laga qaaday uu ku faafay barta internetka ee Youtub-ka .

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya