4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 22, 2013
Madaxweynaha GALMUDUG oo Xarigga ka jaray garoonkii ugu horreeyay ee Diyaaradeed oo Maamulkaas uu Yeesho

Jimco, November 22, 2013 (HOL) —maamulka Galmudug ayaa markii ugu horreysay yeellanaya garoon diyaaradeed, kaddib markii uu madaxweynaha maamulkaas  Jen. Cabdi Qaybdiid uu xarigga ka jaray garoonkaas cusub.

Garoonkan cusub ayaa waxaa markii ugu horreysay ka dagay wadi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Galmudug oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Waxaa la sheegay dhismaha garoonka diyaaraddaha ee xarigga laga jaray in uu ahaa mid dhismihiisu socday muddo hal sanno ah, waxana laga dhisay deegaan qiyaastii 8-km dhanka Koofureed kaga beegan magaalada xarunta ah ee Gaalkacyo.

Madaxweynaha iyo xubnihii la socday ayaa markii ay ka dageen garoonka cusub shalay gellinkii dambbe waxaa saxaafadda la hadlay Cabdi Qeybdiid oo sheegay in dareen ka duwan xilliyadii hore uu uga soo labtay Gaalkacyo maadaama uu kasoo dagay garoon diyaradeed oo Galmudug ay leedahay.

Jen. Cabdi Qeybdiid waxaa kaloo uu soo hadal qaaday in garoonkaan lagu magcaabi doono garoonka diyaaradaha Cismaan Caato oo uu sheegay inuu ahaa aasaasihii dhismaha garoonkaas.

Sidoo kale, Qaybdiid oo garoonka kula hadlay xubno  ka mid ah bulshada Galmudug ayaa sharraxay ahmiyadda uu garoonkani u leeyahay bulshada reer Galmudug, isagoo intaa ku daray inay kuwada intifaaci doonaan gabi ahaan dadka ku nool gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Isku soo duuboo, garoonka cusub ee laga xarig jaray ayaa waxaa uu noqon doonaa midkii ugu horeeyay ee laga dhiso deegannada Galmudug, waxaana horey labada maamul ee wadda degga Gaalkacyo ay wada isticmalai jireen garoonka diyaaraddaha C/laahi Yuusuf oo ay maamusho Puntland.

Hiiraan Online, Gaalkacyo