4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2013
Shir looga soo Horjeedo Burcad-Badeedda oo ka dhacay Degmada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb (SAWIRRO)


Khamiis, November 21, 2013 (HOL) — Shir ay soo qaban-qaabisay hay’adda ka hortaga burcad-badeedda ee markii lasoo gaabiyo loo yaqaan SAPiC ayaa lagu qabtay magaalada Cadaado.

Shirkaas ayaa waxaa kasoo qaybgalay 55-qof oo isugu jiraan bulshada sida  haweenka, dhallinyarada, culummaa’uddiinka, aqoonyahanka, guurtida iyo mas’uuliyiinta maamulka Xibin iyo Xeeb.

Qodobbada looga hadlay kulanka waxaa ka mid ah waxay diinta islaamku ka qabto burcad-badeednimada waxaana si faahfansan uga hadlay  culummadii ka qaybgalay kulankaas. Sheekh Maxamed Guuleed oo hoosta ka xariiqay in diinta Islaamku aysan ogoleyn in wax xad-gudub ah lagu sameeyo xoolaha, nafta iyo sharafta qofka bani’aadamka ah.

Waxa sidoo ka hadlay taariikha burcad-badeedda iyo siyaabihii ay markii ugu horreysan kaga abuurmeen degaannada Ximan iyo Xeeb, Dr. C/llaahi Xirsi Diirshe oo xusay in goobo badan oo ka mid ah deegaannada kala duwan ee uu maamulka Ximan iyo Xeeb ka taliyo ay ka jireen burcad-badeedda, balse xilliyadan dambe ay gabaabsi ku yihiin kaddib markii beesha calaamku ay cadaadis xooggan saartay, lagana wacyi-galiyay bulsho-weynta dhibaatada ay leedahay burcadbadeednimada.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadlay wakiilka hay’adda SAPIC ee Cadaado, C/llaahi Cumar Gurey oo xusay in SAPIC ay samayso barnaamijyo wacyigelin oo ku aaddan dhibaatada burcad-badeedda iyo sida looga hortegi karo.

“Barnaamijyo laga diyaariyay dhibaatooyinka burcadbadeedda waxaa laga dhageysan karaa idaacadaha ku yaala magaalooyinka Muqdisho, Guriceel, Cadaado, Gaalkacyo iyo Dhadhaab,” ayuu yiri mas’uulka u hadlay SAPIC.

C/llaahi Maxamed Xasan (Black) oo ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adda SAPIC ayaa ka hadlay ujeeddada loo aasaasay hay’ada SAPIC isagoo sheegay in SAPIC u taagan tahay sidii loo joojin lahaa dhibaatooyinka burcad-badeedda iyo yareynta dhallinyarada ku biiraysa; iyadoo muujinaysa dhibaatooyinka burcad-badeedda ay ku hayaan bulshada.

Guddoomiyaha ururka dhallinyarada, C/qadir Xuseen ayaa isaguna xusay in loo baahan yahay in dhallinyada shaqoo loo abuuro si looga soo celiyo badda  isagoo tilmaamay in hadda ay Cadaado ku sugan yihiin boqolaal dhallinyaro ah oo badda kasoo laabtay oo haddii aan shaqo loo abuurinna ay dhici karto inay ku laabtaan falalka burcad-badeednimada.

Dhanka kale, guddoomiyaha uruka haweenka, Xaawo Abtidoon oo iyadana ka hadashay shirka ayaa sheegtay in qoysas badan ay ku baaba’een gabdho yar-yarna mustaqbalkoodii uu ku lumay, sicir-bararka maadaama dhaqaalo xumi jirtay qoysas badan ayaa awoodi waayeen gadashada quutul daruurigii.

Nabaddoon Xasan Dhoore oo sheegay in wacyi0gelinta koowaad laga rabo waaliddiinta ayna ubadkooda uga digaan burcad-badeednimada.

Xubin ka tirsan guurtida maamulka Xibin iyo Xeeb, Maxamed Daahir oo ka mid ah xubnihii kulanka ka hadlay ayaa xusay in loo baahan yahay in la iska kaashato dhaqan-celinta dhalinyarada kasoo laabtay burcad-badeednimada.

Subayr Maxamuud oo ku hadlayay magaca baarlamaanka maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin ka qayb-qaadasha howsha ay waddo hay’adda ka hortagga burcadbadeedda ee SAPIC.

Madaxweyne ku xigeenka Ximan iyo Xeeb, Cabdi Maxamed oo soo xiray kulanka ayaa bogaadiyay howsha SAPIC wuxuuna sheegay in wacyi-gelin oo keliya aysan ku filnayn joojinta burcad-badeedda loona baahan yahay in loo sameeyo dhallinyarada magaalooyinka kusoo laabtay dhaqancelin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya