4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2013
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Qoxootiga Waddanka Kenya oo ka digay in dib loogu celiyo Soomaaliya

Khamiis, November 21, 2013 (HOL) — Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Kenya ayaa  walaac  xoogan ka muujiyay heshiiskii dhawaan dhex-maray dowladaha Soomaliya iyo Kenya ee ku aadanaa in qaxootiga Soomaliyeed dib loogu celiyo dalkoodi.

Madina Ibrahim Isaaq waa hooyo Soomaaliyeed oo 46 sano  jir ah, waxayna Kenya soo gashay sanadkii 2011-kii ,iyada oo ka soo carartay dagaallo xiligaas ka socday Kismaayo,waxaana markaas la socday ninkeeda oo xanuusan iyo afar caruur ah oo ay dhashay.

In xadka Kenya ay soo gaarto xiligaas iyada iyo caruurteeda waxa ay ku qaadatay labo maalin oo ay u sii dheertahay dhibaatooyin kala duwan oo ay kala soo kulmeen safarkoodi dheeraa ,lamana imaan Kenya waxaan ka ahayn boorsooyinkii ay wateen oo kaliya.

“Markii aan imid xadka waxaan dareemay in aan joogno meel amaan ah,“ ayey tiri Madina oo waraysi siinaysay Al-jazeera ,iyadoo sheegtay inaysan suurtagal ahayn ku laabashada Soomaliya oo ay xustay in meelaha qaar ay dagaallo ka jiraan.

Waxaa kaloo  Madina ay go’aan ku gaartay in aysan gabi ahaanba  ku laaban Soomaaliya oo xiligan sidii hore in badan ka wanaagsan maadaama gobolada qaar laga xoreeyay Al-shabaab oo ay ku jirto Kismaayo oo ah meeshii ay ka so qaxday Madina seddex sano ka hor.

“Ma doonayno inaan dib u laaabano kumana farxsanin in nala celiyo,“ ayay intaa ku dartay ,iyada oo sidoo kale sheegtay in dadka Soomaaliya dib ugu laabanaya a ay iyaga quseyso oo ay laaban karaan ,isla markaana nolosha  dhadhaab ay ku faraxsantahay.

Wasiirka arimaha gudaha Kenya   Joseph Ole Lenku oo ka hadlayay arinta qaxootiga ayaa  sheegay in gacmo furan ay ku soo dhaweeyeen qaxootiga ka soo cararay wadamada dariska ah balse Kenya aysan aqbalayn in amniga wadanka la dhibaateeyo.

“Qaar kamid  qaxootiga  ayaa haleeyay soo dhaweyntii aan u sameynay, iyaga oo soo abaabula falal aragagaxiso taasna maahan mid la aqbali karo,” ayuu yiri Joseph Ole Lenku o la hadlay warbaainta ,isagoo xusay in Somalia looga baahanyahay hirgalinta heshiiskii labada dhinaca dhexmaray.

Ugu danbayntii qaxootiga Soomaaliyeed ayaa xeryaha Kenya bilaabay inay iska diiwaan galiyaan markii ay bur-burtay dowladdi dhexe ee Soomaaliya, waxaaana ilaa iyo waqtigaas jiray dhibootooyin qaxootiga Soomaaliyed la kulmayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya