4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2013
Khilaaf ka taagan isku shaan-dheynta guddi hoosaadyada golaha Wakiillada iyo Xisbiga WADANI ka Hawaabay Eedeyn

Khamiis, November 21, 2013 (HOL) — Xildhibaanadda golaha Wakiiladda ee ka soo baxay xisbiga taladda haya ee KULMIYE, ayaa sharci-darro weyn ku tilmaamay isku shaandeyntii uu guddoomiyaha golahaasi C/raxmaan Cirro ku sameeyey guddi hoosaadyadda Wakiiladda.

Xildhibaanadan ayaa taageeray gudoomiyaha kowaad iyo 2aad ee Wakiiilada oo iyagu ka hor yimid isku bedelka lagu sameeyey guddi hoosaadyada golaha Wakiilada, waxaanay labadan gudomiye ku xigeen ka hor yimaadeen isku bedelkaasi uu gudoomiyuhu sameeyey, iyagoo sheegay inay isku bedelkaasi jabinayo xeer hoosaadka golaha u yaalla oo tilmaamaya in hal mar la isku wada bedeli karin guddi hoosaadyada Wakiiladda.

Haseyeeshee, Xildhibaano iskugu jira Xisbiga WADANI iyo KULMIYE ayaa iyaguna taageeray go’aankii gudoomiyaha golaha Wakiiladda ee isku bedelka guddi hoosaadyada wakiiladda, isla markaana ka hor yimid hadalkii labadda gudoomiye ku xigeen ee golahaasi ku burinayeen isku shaandeynta.

Dhinaca kale, Gudoomiye ku xigeenka xisbiga WADANI  Axmed Mumin Seed ayaa si adag ugu jawaabay wasiirka Arrimaha gudaha oo xisbiyada mucaaradka ku eedeeyey inay gacansaar la leeyihiin xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiye Seed ayaa sheegay in haddii uu wasiirku 24 saacadood gudahood ku soo cadeyn waayo eedda uu usoo jeediyey xisbiyada mucaaradka ay maxkamadda u gudbin doonaan dacwadoodda, isagoo madaxweynaha ka codsaday inuu degdeg xilka uga qaado.

“Waxaanu aad uga xunnahay in Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shalay xisbiga KULMIYE markii uu mucaaridka ahaa ku sheegi jiray Al-shabaab uu maantana xisbiyada qaranka ku aflagaadeeyo wixii xukuumadda uu ka tirsanyahay lagu tuhmayey ee ah inay qaddiyadii madaxbanaanida Somaliland xaraashtay,” ayuu yidhi ku simaha gudoomiyaha, ahna gudoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADANI Axmed Seed oo u jawaabayey hadalkii uu wasiirka Arrimaha guduhu ku durayey xisbida mucaaradka, waxaanu intaas ku daray: “Wasiir Cali Warancadde wuxuu hore usoo baabiiyey XIsbigii UDUB maantana wuxuu baabi’nayaa qaranka Somaliland, waxa nasiib darro ah in Wasiir Cali Warancadde uu garsoorkii dalka ku sheego laaluush qaatayaal maantana xisbiyada qaranka uu aflagaadeeyo”

Si kastaba ha ahaatee, wasiir Warancadde ayaa xisbiyada mucaaradka ku eedeeyey inay shirka Qaran ee ay wadaan ku lug leeyihiin xukuumadda Soomaaliya, haseyeeshe arrintaasi waxa si adag uga horyimid xisbiyada mucaaradka.

Cali Waran-cadde ayaa ka mid ahaaa musharaxii madaxweynenimo ee xisbiga UDUB, isla markaana ka mid ahaa wasiiradii ugu dhow dhowaa ee xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale, isla markaana ka mid ahaa siyaasiinta miisaanka ku dhex leh bulshada dhexdeeda, haseyeeshee eeddaha usoo jeediyey xisbidda mucaaradka ayaa dadku u arkaan inay wax u dhimayso miisaankii uu bulshada ku dhex lahaa.

Qaar ka mid ah Dadweynaha ayaa aaminsan yihiin sababta uu xisbiyadda mucaaradka wasiirku ugu eedeeyey inay Soomaaliya la shaqaynayana ay tahay sidii ay shacabku uga hor iman lahaaa xisbiyada mucaaradka oo dhowaan shaaciyey inay qaban doonaan dood qaran oo arrimo  badan lagaga hadli doono, taas oo xukuumadani si weyn uga soo horjeedo, iyadoo isticmaalaysa qaab kasta oo shirkaasi qaran ku baajin lahayd, isla markaana dadku uga soo hor jeesan lahaa qabashadda shirkaasi qaran ee xisbiyaddu ku baaqeen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland