4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2013
Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Waasaraha Soomaaliya oo lagu wado in Maanta loo Gudbiyo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya

Khamiis, November 21, 2013 (HOL) — Mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo lagu wado in maanta loo gudbiyo baarlamaana, iyadoo la sheegay in mooshinkan ay saxiixeen tiro ka badan 168-xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa arrintan HOL u xaqiijiyay, isagoo intaas ku daray in saacaddu markay ay tahay 12:00 duhurnimo ee maanta la gudbin doono mooshinkan, iyadoo mooshinkan lagu dalbanayo in kalsoonida lagala laabto xukuumadda uu horkacayo ra’iisul wasaare Saacid.

“Waxaan filaynaa in xildhibaannada saxiixaya mooshinkan ay gaaraan dhurunimada maanta 172 mudane, waana mid kalsoonida loogala laabanayo xukuumadda uu horkacayo ra’iisul wasaare Saacid,” ayuu yiri mudanaha arrintan noo xaqiijiyay oo dalbaday inaanan magaciisa soo xigan.

Mooshinkan ayaa imaanaya xilli uu taagan yahay muran u dhexeeya madaxewynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihiisa, kaasoo ka dhashay codsi uu madaxweynuhu u gudbiyay ra’iisul wasaare Saacid oo ahaa inuu xilka ka dago iyo ra’iisul wasaaraha oo diiday arrintaas.

Muranka labada mas’uul ayaa soo jiitamayay muddo bilooyin ah, balse wuxuu dibadda u soo baxay  dhowr  toddobaad ka hor. Iyadoo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay sheegeen in muranku uu ka dhashay is-qabqabsi dhinaca magacaabista golaha wasiirrada ah.

Inkastoo ra’iisul wasaare Saacid uu dhawaan sheegay in muranka isaga iyo madaxewynaha soo dhex-galay uu yahay mid ku saleysan dastuurka uu doonayo in baarlamaanka hortiisa lagu kala baxo, balse lama oga wuxuu fikirkiisa ka bedeli karto mooshinka maanta laga geynayo baarlamaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya