4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2013
Dadwenaha Norway oo la Sheegay in ay yihiin kuwo Nacyb Xooggan u Qaba Dadka soo Galootiga ah ee Dalkaas ku nool

Khamiis, November 21, 2013 (HOL) — Xog-baaris ay samaysay gabar Soomaaliyeed oo ku nool Norway ayaa waxaa ka muuqatay heer aad u sarreeya oo ah nacayb cunsurinnimo oo dadka Norwegian-ka ah ay u qabaan qawmiyadaha ajanabiga ah iyo kuwa haysta dhaqamada kale.

Cunsuriyadda Norway
Warsan Ismaaciil waxa gabar da'deedu tahay 23-jir, waana ardayada barata culuunta caafimaadka iyo daawooyinka, kuna kortay dalka Norway. Iyadoo warbixinteeda ku sheegtay in dadka Norwegian-ka ah ay qabaan nacayb aad u xooggan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxay gelisay Twitter-keeda farriimo iyo su'aalo ay dadweynaha u bandhigayso oo ay wax kaga weydiinayso haddii ay la kulmeen dhibaatooyin ay ka mid yihiin cunsurinnimo, nacayb, afla-gaaddo amma weerar ku salaysan midab-kala-sooc, takrooris diin, cuqdado dhaqan iyo waxyaabo la mid ah.

Warsan waxay sheegtay inay la yaabtay oo aanay filayn jawaabaha arrintan laga bixiyay iyo sheekooyinka faraha badan ee dadku ay kaga sheekeeyeen waayo-aragnimadii ka soo martay dalka Norway ee cunsurinnimada la xiriira.

Warsan waxa kale oo buug ay ka qortay arrintaasi ay kaga sheekaynaysaa waayo-aragnnimadeeda shakhsiga ah oo ay ka mid tahay in galab ay kasoo noqotay dugsi hoose oo ay gurigii ugu timid hooyadeed oo ciidammo booliis ah ay ku hareeraysan yihiin; sababta oo ah dadkii jaarka ahaa oo intay afla-gaadeeyeen qoyskaas ka bacdina kusoo daayey eydoodii.

Waxaa kaloo ay sheegtay in dadku ay ku kacaan oo ay ku dhiirradaan inay geystaan aflagaado ama falal kale oo cunsurinnimo, gaar ahaan marka ay saqaansan yihiin, mararkaasoo badiyaa ay ku weydiiyaan xagga aad ka timid iyo sababta aad u timid.

Warsan waxay buuggeeda ku sheegtay in dhibaatada ugu weyn ay inta badan ku dhacdo dadka cusub ee soo-galootiga ah ee aan weli si fiican u baran afka iyo dhaqanka ama aan la qabsan dalka iyo mujtamaca.

Xigasho BBC SOMALI

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya