4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2013
Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia oo ka jawaabay eedeymo ay Somaliland u soo jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khamiis, November 21, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumadda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka jawaabay eedeymo ay maamulka Somaliland uu u soo jeedisay dowladda Soomaaliya, kuwaasoo ahaa in dowladdu ay ku mashquulsan tahay sidii fowdo uga abuuri lahayd Somaliland.

Guuleed ayaa sheegay in hadalkan uu waxyeelleyn karo wadahadalladii u dhexeeyay maamulka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, kuwaasoo ay qodobbadiisa ka mid ahaayeen in la joojiyo hadallada xanafta leh ee wax-yeeleyn kara wadahadallada.

“Maamulka Somaliland waxaan ka dalbanaynaa inay raallin gelin ka bixiyaan hadalkii ay sii daayeen oo ahaa in dowladda Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay inay fowdo siyaasadeed ka abuurto Somaliland,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyaddeedu tahay sidii ay dalka oo dhan nabad uga dhalin lahayd.

Wasiirka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin ka dowlad ahaan hadalka ka soo yeeray wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Waran-cadde, isagoo ku tilmaamay hadalkaas mid aysan waxba ka jirin oo aanay garanayn ujeedka laga leeyahay.

“Hadlkan waa mid aad loola yaabo, waana ka xunnahay inuu kasoo yeero mas’uul sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland. Waxaana sheegaynaa in mas’uuliyadda dowladdu ay tahay inay dalka oo dhan nabad ka dhigto, balse aysan ahayn inay dalka fowdo iyo wax la mid ah ka abuurto,” ayuu wasiirku ku haday hadalkiisa.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in hadalkan uu yahay mid meel ka dhac ah, laakiinse ma uusan sheegin tallaabada ay ka qaadan doonto dowladda Soomaaliya haddii maammulka Somaliland uu ku adkeysto eedeyntiisan.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa waxaa afar jeer dhex-maray wadahadallo ay isugu soo dhawaanayaan, iyadoo eedeyntan ay tahay tii ugu horreysay oo Somaliland ay u soo jeediso dowladda Soomaaliya tan iyo markii ay billowdeen wadahadallada u dhexeeya labada dhinac.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya