4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2013
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan oo Kormeeray Xarumo Ciidan oo ku yaalla Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)


Arbaco, November 20, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo ay wehliyaan xubno ka tirsan maamulka iyo saraakiil ciidan, ayaa maanta socod ku soo maray xarumaha iyo waliba saldhigyada ciidamada maamulka gobolka Hiiraan, kadib weerarkii Ismiidaminta ahaa ee maalintii shalay ka dhacay ilinka hore ee saldhiga booliiska magaalada Beledweyne.

Gaar ahaan guddoomiyaha ayaa kormeeray baraha koontarool oo ay ciidamada ku leeyihiin xaafaddaha Buundo-weyne iyo Howl-wadaag oo ay ku kala yaalaan labada Buundo ee isku xirta xaafaddaha kale ee magaalada, waxaana uu halkaa kula kulmay saraakiil iyo qaar ka mid ah ciidamada nabad-galyada, isaga oo kula hadalay arrimo la xiriir ammniga.

“Ujeedada ama kormeerka aan idinku soo gaarnay wax kale ma’aha waa in aynu ka wada shaqeyno nabad-galyada, maxaa yeelay xil gaar ah ayaa naga saaran sugida ammniga shacabka, sidaa daraadeed waa in aad muujisaan foojignaan dheeraad ah, in badan waad ku guuleysteen in aad wax ka qabtaan nabad-galyada, taa unbaan rabnaa in aad sii adkeyno, ma’aha in aan u ogolaano kooxo dhuumaaleysanaya oo doonaya in ay shacabka dhibaateeyaan in fursad ay u helleen wixii maalintii shalay ka dhacay saldhiga booliiska oo kale,’’ ayuu yiri gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay ciidamada ku sugan baraha kootaroolada in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa dadka iyo gadiidka, lana xoojiyo hubinta iyo waliba baritaanka gadiidka iyo dadka isaga kala goosha magaalada Beledweyne iyo gobolka qeybihiisa kale.

“Baaritaanku waxaa uu muhiim u yahay nabad-galyada, ma’aha in qof lagu dhibaateynayo ama ujeedo gaar ah laga leeyahay kaliya waa in ammniga lagu sugo, sidaa daraadeed ciidamada waxaan kula dardaarmayaa in ay arintaa fiiro gaar ah u yeeshaan, lana socdaan dhaq-dhaqaaqa gadiidka iyo dadka isaga kala gooshaya qeybaha gobolka.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka in ay gacan ku siiyaan ciidamada sidii looga hortagi lahaa kuwa falalka amaan darro ka geysanaya magaalada, soona sheegaan cid kasta oo ay uga shakiyaan falal amaan darro ama ku tuhmaan in uu ka tirsan yahay Al-shabaab.

“Waan og-nahay baqdinta ay qabaan shacabka, maxaa yeelay waxaa ay arkayaan kii ay shalay soo sheegeen oo maanta suuqa iska dhax-maraya, haddii ay waxaas horay u jiri jireen maanta waa ay dhamaatay, cid kasta oo la soo eedeeyo sharciga ayaa la horkeenayaa, haddii uu danbiile yahayna ciqaabta uu mudan-yahay ayaa la marinayaa, hadda kadib wax laga baqaa ma jiraan, ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Waxaa uu fariin adag u dirray shaqsiyaad sida uu sheegay guddoomiyaha isku daya in ay laamaha ammniga ka damiintaan shaqsiyaadka la og-yahay ee ka tirsan Al-shabaab marka la soo qabto, isaga oo sheegay cid kasta oo arimaha noocaas ah lagu hello shariga lala tiigsan doono.

“Maamulku ma aqabli doono ama oday dhaqameed ha ahaato ama qof kale oo mas’uuliyad sheeganaya ha ahaado in hab aan sax aheyn leysku dayo in lagu sii daayo qof lagu hellay in uu ka tirsan yahay Al-shabaab, cid kasta oo arintaa isku deyda waxaa u aqoosaneynaa in uu ku danbi-yahay qof uu doonayo in uu damiinto, sidaa daraadeed waxaa uu ku mudan doonaa xabsi,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Waxaa uu tacsi u dirray guddoomiyaha ehelada dhamaaan dadkii ku geeriyooday weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee maalintii shalay ka dhacay ilinka hore ee saldhiga booliiska magaalada Beledweyne.

Kormeerka guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmaya xili maalintii shalay uu ka dhacay magaalada Beledweyne weerar Ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen ku dhawaad 28 ruux oo ay ka mid ahaayeen dad shacab ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya