4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2013
Dowladda Faransiiska oo Maamulka Puntland ugu baaqay inay sii dayso qof dalkeeda u dhashay oo Maalmo ku xiran Puntland

Arbaco, November 20, 2013 (HOL) — Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in uusan jaajuus ahayn nin wadankaasi  u dhashay oo maalmo ka hor maamulka  Puntland ay xireen ,isla markaana lagu eedeeyay in uu gacmaha kula jiray arimo jaajuusnimo.

“Ninka ay xireen Puntland maahan Jaajuus “ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibadda Faransiiska oo lagu magacaabo Romain Nadal,isagoo xusay in eedaymahaas  ay yihiin waxba kama jiraan.

Wasiirka amniga Puntland Khiliif Ciise Mudan oo maalinimadii isninta la hadlay isna warbaahinta ayaa sheegay in ninka la qabtay uu si sharci darro ah ku soo galay gudaha dalka ,isla markaana la xiray xilli uu gacmaha kula jiray arimo basaasnimo.

Waxaa kaloo wasiirka uu sheegay in ninkan lala qabtay ruux kale oo u dhashay dalka Ingiriiska ,isago xusay in ay gacanta kula jireen ururinta xogaha u gaarka ah maamulka Puntland iyo gurashada kheyraad tiro badan, iyaga oon wax ogolaansha ah ka haysan madaxda sare ee maamulka.

“Annaga iyo  Birtein ayaa iska kaashanayna sidii xoriyadooda ay dib ugu heli lahaayeen labada ruux ee la haysto  sida ugu macquulsan uguna dhaqsiyaha badan “ayuu hadalkiisa ku daray Nadal oo arintan ku tilmaamay mid laga xumaado.

Ilo xog ogaal ah o warbaahinta qaar ay soo xigatay ayaa sheegaya in labada ruux ee maamulkaasi u xiran ay la shaqaynayeen shirkad ka shaqaysa dhinaca amniga oo ka diiwaangshan Puntland ,isla markaana xariga loo gaysatay uu yahay mid aan la aqoon sababta uu ku yimid.

Ugu danbayntii dowladda Faransiiska ayaa ugu baaqday maamulka Puntland in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo muwaadinkaas oo ay sheegtay in uusan ku lug lahayn eedaymaha loo haysto ,waxaana hadalka ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Faransiiska uu imaanaya xilli ay jiraan ajaanib kale oo u xiran Puntland ,kuwaas oo iyagana loo haysto eedaymo kala duwan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya