4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2013
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay oo cambaareeyay weeraradii ka dhacay magaalada Beledweyne
732_00_ban_ki-moon.jpg
Arbaco, November 20, 2013(HOL) - Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki-moon ayaa cambaareeyay weeraradii lagu qaaday magaalada Beledweyne isagoo sheegay in weeraradaas argagixisadu ay qaaday ay sababeen dhibaato ballaaran.

"Xoghayaha guud ee qaramada midoobay  wuxuu cambaaraynayaa weeraradaas iyo kuwo kale oo la mid ahaa oo dhacay asbuucyadii lasoo dhaafay” ayuu ku yiri Ban Ki moon qoraal uu soo saaray.

"Weeraradan argagixisada ah ee lala beegsanayo dawlada iyo shacabka Soomaaliyeed waxay abuureen dhibaato lixaad leh” ayuu sii raaciyay.

Weeraradii shalay ka dhacay magaalada Beledweyne oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 20 qof ayaa waxaa masuuliyadooda sheegtay Alshabaab oo kamid ah ururada hoostaga ururweynaha Alqaacida.

Dawlada Jabuuti oo ay ciidamo nabad ilaalineed ka joogaan magaalada Beledweyne ayaa shaacisay in askarigii ugu horreeyay uu kaga dhintay weeraradan oo ahaa kuwo loo adeegsaday qarax ismiidaamin ah dabadeedna kooxo hubaysan ay gudaha u galeen saldhig boolis oo ku yaalay bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

"Xoghayaha guud ee qaramada midoobay waxaa ka go’an in la taageero dawlada Soomaaliya si looga hortago weerarada oo loo joojiyo in wadanku uu ka leexdo wadada lagu gaarayo nabada iyo ammaanka” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Ban Ki Moon.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi ,Kenya