12/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 10, 2013
Ra’iisul Wasaaraha oo Maanta booqday iskuul ay dowladu dib u howlgelisay, Isbitaal Madiina iyo Hotel Maka Al-Mukamara (SAWIRRO)


Axad, November 10, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, mudane Cabdi Farax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta booqasho ku kala bixiyay qaar ka mid ah iskuulladii ay dib u howlgalisay wasaaradda horumarinta Adeegga Bulshada, kuwaasoo qayb ka ah barnaamijkii AADA DUGSIYADA, hotel Maka Al-Mukarama oo qarax lala beegsaday habeen hore iyo isbitaalka Madiina oo ay ku jiraan dhaawacyada dadkii ku wax-yeelloobay qaraxyadii Muqdisho ka dhacay.

Ugu horreyn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa koormeer ku tagay mid ka mid ah iskuulada ay dib u howl galisay wasaaradda horumarinta iyo Adeegga Bulshada, kaasoo ay dhigtaan carruur fara badan oo Soomaaliyeed.

“Waxaa naga go’an inaan la dagaalanno jahliga iyo fursad la’aanta dhinaca waxbarshada ah ee haysata carruurta Soomaaliyeed. Waxaa la sheegaa in 65% aysan carruurtu helin waxbarasho, waxaana dadaalkayagu yahay inaan hoos u dhigno qiyaastaas, sidaas daraadeed xukuumaddu waxay  hirgelisay barnaamijkii ugu horreeyay oo noociis dalka laga hirgeliyay oo loo bixiyay AADA DUGSIYADA, kaasoo hal malyan oo Carruur Soomaaliyeed ah ay dib ugu noqonayaan waxbarashada asaasiga ah,” ayuu Saacid.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in xukuumaddu ay markii ugu horreysay dib u hawl-gelisay macallimiintii iyo iskuulladii dowladda, waxaana dayactir lagu wadaa xarumo badan oo waxbarasho iyadoo dhawaana la furi doono jaamacaddii ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa booqday isbitaal Madiina oo lagu dabiibayo dadkii ku wax yeeloobay qaraxii ka dhacay hoteel Maka Al-Mukarama. Ra’iiusl wasaaraha ayaa warbixin ka dhagaystay maamulka guud ee isbitaalka Madiina, isagoo u rajeeyay dadkii dhaawacyadu soo gaareen in Ilaahay siiyo caafimaad taam ah, isgoo sidoo kale u tacsiyeeyay qoysaskii ay dadku uga geeriyoodeen.

“Alshabab waad u jeedaan inaysan dadka ay dilayaan u kala socnayn shacab iyo dowlad, taasi waa mida ka muuqata dhaawacyada yaalla Isbitaalka oo dhammaantood ah dad shacab,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Ugu dambeyb, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa booqday hoteelka Maka Al-Mukarama oo qaraxyo lala beegsaday habeen ka hor, isagoo muujiyay in dowladdu ay aad uga xun tahay khasaraha soo gaaray hoteelka, wuxuuna ku dhiirri-galiyay maamulka hoteelka inaysan dib uga noqon horumarka iyo maal-gashiga ay dalka ka wadaan.

Mudane Saacid ayaa warbixin ku saabsan khasaaraha hoteelka soo gaaray ka dhageystay milkiilaha hoteelka oo sheegay inaysan cabsi galinay inay hor-istaagaan ganacsigooda qaraxyada noocaan oo kale ah, wuxuuna uga mahad-naqay booqashada uu ugu yimid ra’iisul wasaaraha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya