4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 9 , 2013
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia oo ka dooday Shaqaalaha Ajnabiga ah ee sida Sharci-darrada ah uga Shaqaysata Dalka

Khamiis, May 09, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumaddaSomalia oo maanta kulan ayaa kaga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin go’aannadii kasoo baxay shirkii London, hay’adda maareynta musoobiiyinka, shaqaalaha ajnabiga ah ee sida sharcidarrada ah dalka uga shaqeeya iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee jooga Yemen.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo shirka guddoominayay ayaa ugu horreyn ka warbixiyay shirkii London ka dhacay, isagoo sheegay in shirkaas ay kasoo baxeen guulo ka taaban karo, ayna dowladda Soomaaliya lahayd hoggaankiisa.

“Shirka London wuxuu ahaa mid taariikhi ah, dowladda Soomaaliy ayaa diyaarisay qodobbada looga hadlay soona bandhigtay sida ay u kala mudan yihiin baahideeda. Waxaa nasiib-wanaag ahayd in ra’iisul wasaaraha UK iyo madaxweynaha Soomaaliya ay shirkaas si wadajir ah u guddoominayeen,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo xusay in natiijadii kasoo baxday shirkaas dib loogu soo celinayo golaha xukuumadda.

Goluhu wuxuu sido kale ka dooday shaqaalaha ajnabiga ah oo gudaha dalka ku sugan, kuwaasoo si sharci-daro ah dalka ugu shaqeysta, kuwaasoo ay sheegeen inay ku dhex-milmeen shaqaalaha AU/AMISOM.

Tirada shaqalaahaas ajnabiga ah ayaa lagu sheegay 924 qof mana haystaan baa lagu yiri shirka wax sharciyad ah oo ay dalka uga shaqeystaan, sida mid ganacsi oo ay bixisay wasaaradda ganacsiga iyo mid shaqaalanimo oo ay isna bixisay wasaaradda arrimaha gudaha laanteeda socdaalka. Waxanaa loo saaray inay kasoo talo-bixiyaan arrintan guddi ka kooban afar wasiir si u soo gudbiyaan warbixin ku saabsan sidii laga yeeli lahaa dadkaas ajnabigaah ee sida sharci-darrada ah dalka uga shaqeysta.

Sidoo kale, goluhu wuxuu dood dheer ka yeeshay dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yeman, kuwaasoo isugu jira qaxooti ka diiwaan gashan hay’adda UNHCR iyo dad ku dhibaataysan gudaha dalkaas, waxaana goluhu isku raacay in la magacaabo guddi ka kooban afar wasiir iyo xeel-dheerayaal aqoon u leh dalka Yeman oo kasoo tala-bixiya sidii dadkaas qaxootinimada aan ku joogin dalka Yeman dib loogu soo celin lahaa dalkooda iyo in la furo santuuq saddaqo ah oo ay dowladdu lacagta ugu horreysa ku shubayso si loogu caawiyo dadkaas dib loogu soo celinayo dalka.

Ugu dambeyn, golaha wasiirradu waxay wasiirka cadaaladda iyo garsoorka ka dhageysteen warbixin ku saabsan war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii looga hadlayay cadaalada ee Muqdisho lagu qabtay bishii Maarso ee sannadkan; waxaana goluhu isku raacay in la dhaqa-galiyo 19-kii qodob ee kasoo baxay shirkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya