4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 9 , 2013
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo sheegay inay Hakad galeen Dagaalladii lagula jiray Al-shabaab


Khamiis, May 09, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Somalia, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan London ayaa u sheegay inay hakad galeen kaddib markii ay dowladda Soomaaliya iibsan wayday hub ay kula dagaalanto.

Fiqi ayaa sheegay in tan iyo markii cunnoqabateynta hubka laga qaaday Soomaaliya laba bilood ka hor aysan dowladdu soo iibsan qori ama xabad rasaas ah, taasoo uu sheegay inay sabab u tahay dhaqaale la’aan haysata dowladda Soomaaliya.

“Tan iyo markii cunnoqabteynta hubka laga qaaday Soomaaliya, ma aanan helin hal xabo oo rasaas ah ama qori AK-47 ah. Maxaa yeelay ma haysano dhaqaale aan ku iibsanno,” ayuu yiri Fiqi oo ka hadlayay machad ay tababar ku qaataan ciidamada gaarka ah ee Britain oo ku yaalla London.

Mudane Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowaldad Soomaaliya ay qorsheynayso inay dhisto 280,000 oo askari oo leh xirfadaha ciidamada lana hubeeyo si ay ammaanka dalka u sugaan, balse ay taasi ka horjoogsatay lacag la’aanta jirta.

“Dagaalladii lagula jiray Al-shabaab muddo afar bilooda ha hakad ayay ku jiraan oo wax tallaabo ah ma qaadin ciidamada, iyaga ayaa saldhigyada lagu soo weeraraa, waxayna ku jiraan oo keliya difaacyadooda, taasna waxaa u sabab ah ma haystaan hub ay kula dagaalamaan,” ayuu wasiirku hadakiisa raaciyay.

Wasiirka ayaa sidoo kale, sheegay in Al-shabaab ay burbur ku socoto marka la eego dhinaca hoggaanka,c iidamada iyo siyaasadda, isagoo sheegay inay lumiyeen dhul ballaaran oo ay ka talin jireen, laakiinse ma sheegin tirada xoogagga Al-shabaab ee hadda kasoo horjeeda ciidamada dowladda iyo kuwa ee AMISOM.

“Qorshaha ammaan ee dalkeenna waxaa u dagsan in la helo 28,000 oo askari oo tababar wanaagsan qaba muddo saddex sano gudahood ah,” ayuu yiri Fiqi oo intaas ku daray in dhismaha ciidamadaas ay ku baxayso lacag dhan 160-milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Warbixintan ayaa waxaa soo xigatay wakaaladad wararka ee Reuters iyadoo hadalka wasiirka uu imaanayo xilli Soomaaliya loogu qabtay magaalada London shir yabooh dhaqaale loogu ururinayay, waxaana yaboohaas qayb ka ah in la dhiso ciidamada xoogga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya