4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 8 , 2013
Shacabka ku nool Kismaayo oo ka Cabanaya sare u kac ku yimid Qiimaha la kala siisto Maciishadda Quutul-duruuriga ah

Arbaco, 08 May, 2013(HOL) :- Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa ka cabanayo sare u kac xooggan oo ku yimid qiimaha lakala siisto noocyada kala duwan ee khudaarta kadib markii ay roobab xireen wadadii ay soo mari jireen gaadiidkii qudradda ka keeni jira deegaanada gosha ee gobolka J/hoose.

Waxaa magaalada gabaabsi ka ah gabi ahaanba khudradihii kala duwanaa, waxaana ay arintaasi saameyn ku yeelatay shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Maamo Faadumo Cismaan oo kamid ah haweenka khudaarta ku iibiya suuq yaraha magaalada Kismaayo ayaa HOL u sheegtay in ay istaageen gaadiidkii khudradda keeni jiray Kismaayo, waxayna sheegtay in qiimihii khudradda uu cirka isku shareeray.

“Khudaartii waa laga la’yahay magaalada, wadadii laamiga way xirantahay, tii kale ee ay gaadiidka mari jireenna waxa gooyay roobab,” ayay hadalkeeda raacisay.

Gaadiidka xamuulka qaada iyo kuwa ganacsi ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxay isticmaalayeen wado wareeg ah oo ka marta galbeedka gobolka J/hoose, kadib markii ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo ay bilooyin kahor xireen wadadii weyneyd ee laamiga ahayd  arintaasoo ay ka danbeeysay kadib markii shirka maamul u sameynta Jubooyinka uu ka furmay Jaamacadda Magaalada Kismaayo taasoo uu maro laamiga dheer ee aada deegaanada gosha ee gobolka J/hoose.

Mukhtaar Muunya oo kamid ah beeraleeyda gobolka J/hoose oo isagoo ku sugan deegaanka Kamsuuma ee gobolka J/hoose qadka teleefonka ugu waramay HOL ayaa sheegay in dalagyadii soo go’ay iyo noocyadii kala duwanaa ee khudradda ay ku xayiranyihiin deegaanada gosha islamarkaasina ay la’yihiin meel ay soo mariyaan, wuxuuna xusay in hadii aan la furin wadada ay qurmi doonaan dalagyadaasi.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa gobolka J/hoose siweyn uga da’ay roobab, kuwaasoo xiray inta badan wadooyinkii muhiimka ahaa ee isku xiri jiray gobollada Jubooyinka.

Gaadiidleeyda isaga kala gooshta deegaanada Jubooyinka iyo ganacsatada ayaa ka codsaday maamulka KMG ee Kismaayo iyo weliba ciidamada AMISOM in ay furaan wadada weyn ee laamiga ah maadaama ay xirmeen wadooyinkii wareegsinta ahaa ee ay gaadiidku isticmaali jireen.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya