4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 8 , 2013
Mid ka mid ah Guddoomiyeyaasha Xaafadaha Magaalada Baydhabo oo lagu dhaawacay Bam Gurigiisa lagu Weeraray

Arbaco, May 08, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha xaafadda Howl-wadaag ee degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, Khaliif Ibraahim ayaa lagu dhaawacay bam-gacmeed xalay lagu weeraray gurigiisa, iyadoo dhaawaca gaaray la sheegay inuu yahay aad u culus, waxaana la dhigay isbitaalka weyn ee Baydhabo halkasoo lagu daweynayo.

Taliyaha ciidamada madaniga ah ee Baydhab, Isaaq Cali Aadan ayaa u sheegay warbaahinta in la qabtay ruuxii bamkaas ku weeraray guriga guddoomiye xaafadeedka dhaawacmay, kaasoo isla goobtaas lagu dilay, iyadoo maydkiisa la dhigay bartamaha magaalada, gaar ahaan halka loo yaqaan afar-irdoodka.

Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay halka lasoo dhigay maydka iyadoo la sheegay in ruuxan uu ka mid ahaa dadka ku nool xaafadda, isagoo horayna uga soo goostay Al-shabaab, lamana yaqaan sababta keentay inuu guriga guddoomiyaha bam ku weeraro.

Dhanka kale, ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo marayay waddada aadda deegaanka Goofgaduud Shabeelow oo 12-km u jirta Baydhabo ayaa waxaa  waddada u galay kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, halkaas waxaa ka dhacay dagaal aad u culus oo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Lama oga inta uu le’eg yahay khasaaraha, mana jirto cid dagaalkaas ka hadashay, iyadoo dagaalkan uu qayb ka noqonayo dagaallo dhawaanahan ka dhacayay deegaanno ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool.

Hiiraan Online, Baydhabo