4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2013
Boqlaal Milyan oo loogu deeqay Soomaaliya si wax looga qabto Amniga, dib u habeynta Garsoorka iyo Maaliyadda


Talaado, May 07, 2013 (HOL) — Shirkii dib u dhiska Soomaaliya ee maanta lagu qabtay magaalada London ayaa waxaa dalalkii kasoo qaybgalay ay ugu yabooheen Soomaaliya boqolaal milyan oo doollarka Mareykanka ah si wax looga qabto ammaanka dib u habeynna loogu sameeyo garsoorka iyo maaliyadda.

Qodobbadii ugu muhiimsanaa ee lagu sheegay warmutiyeedkii kasoo baxay shirkan ayaa waxaa ka mid ahaa in xilligan uu muhiim u yahay Soomaaliya, maadaamaha laga baxay xilligii KMG ahaa, lana dhisay dowlad joogto ah oo iyo baarlamaan lasoo doortay.

Sidoo kale, war-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in ammaanka dalka uu soo hagaagayo, ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay magaalooyin badan ka saareen Al-shabaab, falalka burcadbadeednimana ay aad hoos ugu dhaceen.

Warmutiyeedka ayaa sidoo kale lagu yiri: inkastoo horumarro la gaaray weli waxaa taagan dhibaatooyin ay ka mid yihiin in Al-shabaab ay amniga khatar ku tahay, dastuurku ma dhameystirna, malaayiin qof ayaa weli ku jira xeryo qoxooti iyo kuwa barakaacayaal, dalka waxaa ka maqan qaab dhismeed dowladeed oo horumarsan, mana jiraan, iskuullo, isbitaallo iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah.

Dowladda Soomaaliya si ay arrimahaas oo dhan ay wax uga qabato ayaa waxay dajisatay lix qodob siyaasadeed oo ay ku shaqeynayso, iyadoo la sheegay in shirkan sababta loo qabtay ay ahayd in dowladda Soomaaliya laga caawiyo sidii ay wax uga qaban lahayd saddex qodob oo muhiim ah kuwaasoo kala ah, amaanka, garsoorka iyo maaliyadda.

Warmutiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in wadashaqeynta beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya ay sii dhisi doonto iskaashiga mustaqbalka. Waxaa lagu yiri beesha caalamka waxaa ka go’an in hirgelinta qorshaha dowladda Soomaaliya ay ku taageerto taageero habeynsan oo joogto ah.

Sidoo kale, warmurtiyeedka kasoo baxay shirka ayaa sidoo kale lagu xusay in beesha caalamka ay soo dhaweynayso wadahadallada u billowday dowladda iyo gobollada, waxaana dhiirigelinnay in gobolladu ay si dhow ula shaqeeyaan dowladda Soomaaliya si loo sameeyo siyaasad qaran oo waafaqsan dastuurka dalka u degsan.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in lasoo dhaweeyay wadahadalladii Turkiga ku dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Somaliland si ay u caddeeyaan xiriirkooda mustaqbalka, waxaana raalli ka nahay baa lagu yiri doorka ay ka qaadatay dowladda Turkiga fududeynta wadahadalladaas.

Warmurtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay waxaan soo dhaweynaynaa horumarka ay Soomaaliya sameysay, waxaana u mahadcelinaynaa intii ka qaybqaadatay in horumarkaas la gaaro oo ay ka mid yihiin dadka Soomaaliyeed, dowladda Soomaaliya, baarlamaanka iyo qurbo-joogta Soomaaliyeed.

Hay’adaha iyo dalalka Soomaaliya la shaqeeya ayaa lagu ammaanay sida ay uga go’an tahay inay sii wadaan taageerada ay siinayaan dowladda Somalia, iyadoo lagu boorriyay dalalka iyo hay’adaha inaysan joojin taageeradaas.

War-murtiyeedka kaddib ayaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron waxay shir jaraa’id ku qabteen xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Britain oo aan ka fogeyn aqalka Lancaster oo shirku uu ka dhacay.

“Horumar ayaa la sameeyay wixii ka dambeeyay shirkii sannadkii hore lagu qabtay Lodon, hourmarkaasuna wuxuu ahaa mid weyn, Ururka Al-shabaab magaalooyin badan ayaa laga saaray, falalkii burcadbadeedda hoos ayaa loo dhigay 80%, waxaana la sameeyay dowlad federaal ah oo leh baarlamaan lasoo doortay oo ay ka dhex-muuqdaan dhammaan beelaha Soomaaliyeed. Balse weli dhibaato ayaa jirta, waayo kala-bar dadka Soomaaliyeed waxay ku nool yihiin maalintii wax ka yar hal doollar,” ayuu yiri David Cameron oo shirka jaraa’id ka hadlay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo isaguna hadlay ayaa yiri: “Waxaan halkan u nimid inaan soo gudbino qorshayaasha aan ku doonayno inaan dalkeenna uga sameyno dib-u-habeynayno iyo isbedel, innagoo og in beesha caalamka ay ka dhaadhacayso in Soomaaliya laga sameyn nabad iyo deggenaasho, caalamku wuxuu haystaa cid uu la shaqeyn karo oo uu aamino. Waxaan si adag uga shaqeynaynaa isbedel aan ka sameynno dalkeenna; inkastoo ay  jiraan caqabado badan oo na horyaalla.”

Shirkan ayaa wuxuu ahaa mid lagu raadinayay yabooh dhaqaale oo dib loogu dhiso Somalia, iyadoo madaxda dowladda ay sheegeen in qodobbada kasoo shirkan ay yihiin kowu guul iyo horumar u horseedaya Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya