4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Xubno Wasiirro ah oo ka Qayb-Galay Dibad-bax lagu Taageerayay Shirka London (SAWIRRO)


Talaado, May 07, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiiradda, xildhibaanno, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, saraakiisha ciidanka, fanaaniin iyo marti sharaf kala duwan ayaa maanta ka qayb-galay dibad-bax lagu taageerayo shirka London oo ka dhacay Muqdisho.

Dibadbaxan oo uu soo agaasimay maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qaybgalay boqolaal dadweyne ah oo matalayay dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir; iyagoo caalamka u muujiyay sida shacabka Soomaaliyeed ay ula dhacsan yihiin shirka London iyo natiijada kasoo baxda.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir ahna ku simaha guddoomiyaha, Sheekh Cali Guure ayaa si cad u sheegay in dadka ku nool Muqdisho ay u heelan yihiin maanta inay helaan nabadgalyo, hurumar, caddaalad iyo dowladnimo taam ah, isagoo sheegay inay yihiin shacab si aad ah kalsooni uug qaba madaxda dowladdooda, isla markaana taageersan go’aan kasta oo ay soo gaaraan.

Sidoo kale, waxaa goobta hadal qiiro leh kao jeediyay wasiirka warfaafitna, isgaarsiinta iyo gaadiidka, Cabdullaahi Cilmooge Xirsi isagoo si aad ah uga hadlay wax-qabadka dowaldda muddadii yarayd ee ay jirtay.

“Nabadda aan maanta isugu nimid kuma imaan si fudud, bannaabaxaan wuxuu calaamad u yahay sida shacabka Soomaaliyeed ay u taageersan yihiin shirka London oo ay kasoo qayb galeen 55 xubnood oo ka socday dowlado iyo hay’ado caalami ah. Waana mid ka duwan shirkii horraantii sannadkii hore lagu qabatay London. Shirkaan dowladda Soomaaliya ay leh hoggaankiisa iyo inay soo jeediso baahideeda,” ayuu yiri C/llaahi Cilmooge.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo isaguna goobta ka hadlay ayaa u mahadceliye dadkii bannaanbaxa soo agaasimay, isagoona xasuusiyay in dadku ay noqdaan booliis si nabaddu ay si fudud ugu soo laabato.

“Waxaa lagama maarmaan ah in qof kasta u shaqeeyo sidii Booliis, waana taas midda kaliya oo aan ku heli karno nabad buuxda, nuxurka dibadbaxa waa inaan taageerno shirka Lonodon, waxaana ka rajaynaynaa inay kasoo baxaan go’aamo gaarsiin kara Soomaaliya horumar, si loo yiraahdo Somalia waxaa qaranimadeedii soo celiyay mirihii kasoo baxay shirka London,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha oo dhanka kale xusay in dowladdu ku dadaal weyn ku bixinayso sidii gacdan bir ah loogu loogu qaban lahaa ammaanka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ugu dambeyn goobta kahadlay ayaa isna ka hadlay ahmiyadda shirka London, wuxuuna ku tilmaamay fursaddii ugu wanaagsanayd ee soo marta Soomaaliya, calaamkuna uu diyaar u yahay in uu si wadajir ah u taageero xasilinta dalka.

“Waa markii ugu horreysay oo saxiibadeen caalamka ay si wadajir ah ugu istaagaan taageerada Soomaaliya. Waa markii ugu horreysay oo caalamku si qoto-dheer u dhagaysto waxa ay ummadda Soomaaliyeed rabto iyo siday ay u doonayso in loo caawiyo. Waa fursaddii ugu weynayd ee saxiibadeennu ku doonayaan inay gacan uga geystaan sidii dalkeenna dib loogu dhisan lahaa,” ayuu yirir Cabdi Saacid.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa faah-faahiyay qorshaha shirka Lonodon looga hadlay, isagoo sheegay inay tahay sidii Soomaaliyada cusub ay kusoo kaban lahayd.












Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya