4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2013
Qaraxyo Khasaare geystey oo xalay fiidkii ka dhacay saldhigga booliska Miir ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

Talaado, May 07, 2013 (HOL) — Koox dabley ah ayaa xalay fiidkii weerar gaadmo ah ku qaaday saldhigga booliska Miir oo ku yaal xaafadda Horumar ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Dableyda weerarka geystey, ayaa ugu horeyn labo bumbo oo kuwa gacanta ah ku tuuray saldhigga, iyagoo intaas kaddibna ku furay rasaas qaddar daqiiqado ah socotey.

Weerarka oo dhacay abbaare 9:00kii  fiidnimo, waxaa ku dhaawacmay afar askari oo ka tirsan ciidamada booliska ee saldhiggaas ka howlgala, waxaana dhaawacooda daqiiqado kadib loola cararay xarumaha caafimaadka.

Midka kamid ah askartii uu weerarkaas dhaawacu kasoo gaarey, oo ay xaaladiisu ahayd mid culus, ayaa isla xalay ku geeriyoodey isbitaalka weyn ee Gaalkacayo, kadib markii qalliin deg deg ah lagu sameeyey.

Saraakiil ka tirsan maamulka isbitaalka oo warbaahinta la hadlay, ayaa xaqiijiyey in xaaladda caafimaad ee saddexda askari ee kale ay xilligan tahay mid aad u wanaagsan.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo la xiriira weerarka xalay lagu qaaday saldhigga booliska ee Miir oo kasoo baxay dhinaca laamaha ammaanka ee gobolka Mudug.

Weerarkan ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee in muddo ah ka dhaca xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacayo, wuxuuna kusoo aadayaa xilli Gaalkacayo ay bilihii u danbeeyey ahayd mid aad u xasilloon.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya