4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2013
Shirka London ee looga Hadlayo Arrimaha Somalia oo Saacadaha soo socda si rasmi ah uga Furmaya Magaalada London

Talaado, May 07, 2013 (HOL) — Shirka London oo looga hadlayo arrimaha Soomaaiya ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda uu si rasmi ah uga furmo magaalada London ee xarunta Britain, iyadoo haatan ay wafuudda shirka ka qaybgalaysa ku sugan yihiin goobta loogu talogalay inuu ka dhaco.

Kulankan oo ah kii labaad oo Soomaaliya loogu qabto London ayaa la filayaa inuu si weyn uga duwanaado shirkii ka horreeyay oo horraatii 2012 lagu qabtay isla London, kaasoo lagu dhiirrigelinayya madaxdii dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, balse looga hadli doono sidii Soomaaliya lagu caawin lahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron ayaa shirkaan wada-guddooomin doona, iyadoo war ay siiyeen warbaahinta labadoodu ku sheegay inay rajeynayaan in shirkaan uu noqdo mid guuleysta.

Qodobbada shirka looga hadlayo ayaa waxaa ugu muhiimsan, ammaanka, dib u habeynta dhaqalaaha, cadaaaladda iyo xuquuqda aadanaha, iyadoo lagu wado in marka uu shirku furmo uu Xasan Sheekh soo hordhig xubnaha shirka ka qaybgalaya waxyaabaha ay doonayaan in laga caawiyo.

Xubnaha shirka ka qaybgalaya ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha cusub ee Kenya, Uhuru Kenyatta, madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desaliegn oo dhammaantood ay Soomaaliya ka joogaan ciidammo ka caainaya dowladda sidii ay ammaanka u soo celin lahayd.

Guddiyo ka kooban Soomaali iyo Ingiriis ayaa xalay oo dhan ku howlanaa sidii ay uga shaqeyn lahaayeen qaabka uu shirku u dhacayo sida ay u kala hormarayaan qodobbada laga hadlayo, iyadoo furitaanka shirka khudbado kala duwan laga jeedin doono.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa aragtiyo kala duwan ka bixinaya shirkan iyadoo qaarkood ay ku tilmaameen mid guul u ah Soomaaliya, halka kuwo kalena ay ku tilmaameen mid aan ka duwanayn kuwii ka horreeay ee loo qatay Soomaaliya.

Shirka oo socon doona maanta oo keliya, ayaa waxaa lagu wadaa in dalalka kasoo qaybgalaya ay ku yaboohaan dhaqaale lagu caawinayo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, cadaaladda, xuquuqda aadanaha iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen., Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya