4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 6 , 2013
Ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo dib u xiray Waddooyinka muhimka ah ee mara bartamaha Magaalada Muqdisho

Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa dib u xiray jidadka waaweyn ee Muqdisho, maalin kaddib markii uu isgoyska KM-4 ka dhacay weerar ismiidaaminta ah oo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan, kaasoo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa ku sheegay dib u xiridda waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho kuwo lagu adkeynayo ammaanka si uuusan u dhicin weerarkii shalay oo kale.

Waddooyinka la xiray ayaa waxaa ka mid ah jidka Maka Al-Mukarama, sidoo kale waxaa la xiray, isgoysyada KM-4, Zope iyo Banaadir, iyadoo gaadiidka ay dadweynuhu la socdaan ay dadka ku dajinayaan meel ku dhow goobaha xiran.

“Tani waa tallaabo kale oo lagu doonayo in dadka lagu curyaamiyo, waayo waxay ahayd in dowladdu ay siyaabo kale ku sugto ammaanka, tani ma mid lagu sugo ammaankaa,” ayuu yiri ruux shaqaale ah oo gaadiidka ka dagay.

Haweeney kale oo waayeel ah ayaa iyaduna sheegtay inay la yaaban tahay sida ay dowladdu wax u waddo, iyadoo sheegtay in markii waddooyinka la furo ay qaraxyadu dhacayaan, taasoo u muuqata mid la isaga horkeenayo dowladda iyo shacabka.

Askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la rakayay iyagoo mar walba qoryaha ku fiiqaya gaadiidka dadweynaha, waxaana mararka qaar ka dhacda jidadka in rasaas lagu furo gaadiidka.

Waddooyinka dib loo xiray ayaa waxaa aroornimadii hore ee dorraad oo Sabti ahayd, iyagoo  xirnaa afar maalmood iyadoo madaxda dowaddu ay ku sheegeen xirnaashahaas kuwo ammaanka lagu adkeynayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya