4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 6 , 2013
Dowladda Seychelles oo Maxaabiis Burcad-badeednimo ku Xukuman ku soo Wareejisay Maamulka Goboleedka Puntland

Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso laga soo dejiyey sagaal maxbuus oo Soomaali ah, kuwaas oo horay maxkamad ku taalla dalka Seychelles ay ugu xukuntay falal lala xiriira burcad-badeednimo.

Maxaabiistan ayaa qayb ka ah labaatan iyo shan maxbuus oo ku jirey xabsiyada jaziiradda Seychelles, kuwaasoo ay horay maamulka Puntland iyo dowladda dalkaasi ugu heshiiyeen in muddada xukunkooda uga dhiman ay ku qaataan gudaha Puntland.

Maxaabiistan oo ay diyaarad gaar ahi siddey, waxaa garoonka Boosaaso dhexdiisa kula wareegey mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha garsoorka, booliska iyo ciidamada asluubta ee maamulka Puntland.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda derejada 1-aad ee gobolka Bari Bashiir Axmed Daahir, oo kamid ahaa mas’uuliyiintii garoonka ku sugnaa xilligii maxaabiistan laga soo dejinayey, ayaa ka warbixiyey qaabkii ay soo wareejintoodu u dhacday.

Wuxuuna sheegay in qorshaha maxaabiistan Puntland lagu keenay uu qayb ka yahay heshiis ay labada dhinac horay u wada gaareen, isagoo xusay in sagaalka maxbuus ee maanta la keenay ay ugu danbeeyeen 25 horay loogu heshiiyey in la keeno Puntland.

“Sagaal nin baa lakeenay oo burcad-badeed ah oo laga keenay Seychelles, waxayna u danbeeyeen 25 maxbuus oo horay loo keenay Puntland, waxayna isugu jiraan kuwa kasoo jeeda Puntland iyo kuwo kasoo jeeda gobollada dhexe” xeer-ilaaliyaha maxkamadda gobolka Bari ayaa yiri.

Siddeed ka mid ah maxaabiistan ayuu sheegay in ay ku xukuman yihiin xabsi muddadiisu tahay 12-sano, halka midka sagaalaadna uu ku xukuman yahay lix sano, isagoo intaas raaciyey in xukunka horay ugu dhacay aan wax faragelin ah lagu sameyn doonin, inta u dhimanna ay ku qaadan doonaan xabsiyada Puntland.

Dowladda Seychelles ayaa horay maamullada Somaliland iyo Puntland ula gashay heshiis ku aadan in lagu soo wareejiyo maxaabiis Soomaali ah oo ay maxkamadda sare ee dalkaasi ku xukuntay denbiyo la xiriira burcad-badeednimo, kadib markii ciidamada caalamiga ah ee la-dagaalanka burcad-badeedka Soomaalidu ay qabteen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya