4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 6 , 2013
Dagaalyahannada Al-shabaab oo Weerar Qorsheysan ku qaaday Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose

Isniin, May 06, 2013(HOL) :- Dagaalyahanno katirsan xarakada Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar qorsheeysan ku qaaday deegaanka Dhoobleey ee gobolka J/hoose, iyadoona weerarkaasi uu ahaa mid ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjooge ku sugan magaalada Dhoobleey oo codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa HOL u sheegay in dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen magaalada, waxaana uu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ay dib isaga caabiyeen weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen halkaasi.

“Gudaha ayay magaalada usoo galeen, in cabaar ah ayayna xabada socotay, markii danbe dib ayaa loo riixay ciidamadii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday,” ayuu goobjooguhu hadalkiisii raaciyay.

Ilaa imika ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, haseyeeshee goobjoogeyaal ku sugan Dhoobleey ayaa HOL u sheegay in dhimashadu ay gaareeyso laba qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah halka dhaawacuna intaasi ka badanyahay.

Magaalada Dhoobleey ayaa waxaa si wadajir ah gacanta ugu hayo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ururka Raaskaambooni, waxaana sidoo kale magaaladaasi ku sugan ciidamo katirsan kuwa AMISOM gaar ahaan ciidamada Kenya iyo kuwa ka socda dowladda Sieraleone ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya