4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2013
Maalinta Saxaafada oo laga xusay Hargeysa iyadoo lasoo bandhigay dhibka lagu hayo Warbaahinta Somaliland (SAWIRRO)


Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Maalinta saxaafadda aduunka ayaa maanta laga xusay magaaladda Hargeysa, kaas oo lagu soo bandhigay tacadiyo badan oo loo geystay wariyeyaasha ka hawlgalla Somaliland.

Munaasibadan saxaafadda Somaliland ku qabsatay magaaladda Hargeysa, ayaa la sheegay inay wariyeyaashu dooneen inay socod ay ku soo bandhigayaan tacadiyo kala duwan oo lagula kacay saxaafadda ay xukuumadu u diiday banaanbaxaasi, isla markaana ay sheegeen inay boodhadkoodii laga jarjaray wadooyinka oo ay ku dhajiyeen.

Saxaafadda Somaliland ayaa maanta hal ku dhiga sanadkan u dooratay “ Saxaafaddu iyada ayaa kuna dili karta kunna  noolayn karta”, waxaana munaasibadaasi lagu soo bandhigay marxaladii kala duwanayd ee ay soo mareen saxaafadda Somaliland iyo kaalintii ay ka qaadatay dib u heshiisiinta iyo horumarinta Somaliland.

Guddoomiyaha suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf waxa uu sheegay inay madax banaanidda warbaahinta iyo Xoriyatul qawlka Somaliland marayso meel halis ah, isla markaana dhibaatooyin badan oo xadhig iyo garaacidba ay ciidamada amnigu kula kacaan wariyeyaasha.

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta  Somaliland  ee SOLJA Xasan Maxamed  Yuusuf, waxa kale oo uu sheegay in boodhadh ay ku kuujinayen madax banaanidda xoriyatul qawlka iyo cabudhinta lagu hayo oo ay ku dhajiyeen wadooyinka xukuumaddu ka jartay, isla markaana u diiday inay banaanbax ku muujiyaan tacadiyada ka dhanka ah, taas oo ay wasaaradda arrimaha guduhu u diiday.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wariyeyaal badan oo muujiyey inay Somaliland lagu dhibaateeyo suxufiyiinta, isla markaan labaddii sanadood ee u dambeeyey la xidh xidhay wariyeyaal badan, sidoo kale waxa halkaasi lagu soo bandhigya weerarkii isku dilka ahaa ee lagu bartilmaamaysanayey gudoomiyaha wargeyska HUBAAL,  waxaanay codsadeen inay si madax banaan loo soo bandhigo baadhitaanka kiiskaasi, isla markaana aan la isku dayin in la qariyo meelaha uu tuhunku gallo.

Gudoomiyaha  Dallad ay  ku bahoobeen ururada  aan dawliga ahayn ee SONSAF  Mustafe Sacad Dhimbiil, ayaa ka hadlay doorka warbaahinta iyo madx banaanida xoriyatul qawlka, kaas oo loo baahan yahay inuu qof waliba helo xoriyad.

Sagal C/raxmaan  oo ka socotay ururka suxufiyiinta haweenka Somaliland (WIJA), ayaa hambalyo u dirtay guud ahaan suxufiyiinta Somaliland, waxaanay sheegtay inay garab taagan yihiin dhibaato kasta oo loo geysto warbaahinta Somaliland.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay xoghayaha guud ee xisbiga taladda haya ee kulmiye Xasan Siciid, oo balanqaaday inuu ka shaqayn doono wixii warbaahintu uga baahato xukuumadda, isla markaana aanu ogolayn wax dhibaato ah oo soo gaadha warbaahinta.

Sidoo kale; waxay xukuumadda ku dhaliileen in aan wali cidii dishay wariye Axmed Saakir oo sanadkii hore lagu dilay magaaladda Laascaanood aanay soo bandhigin, isla markaana baadhitaankii ay waday aanay sheegin halka ay u marayso.

Si kastaba ha ahaatee, suxufiyiinta Somaliland ayaaa sheegay inay dhibaatooyin badan oo gacan ka hadal iyo xadhig iskugu jira kala kulmaan ciidamada amniga, isla markaana cabudhinta lagu hayo madax banaanidda warbaahinta iyo Xoriyatul qawlka.



Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland