4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2013
Munaasabad lagu xusayay Sannad-guuradii 11 ee kasoo Wareegtay Geeridii Cigaal oo lagu qabtay Hargeysa (SAWIRRO)


Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Munaasibad lagu xusayey sanadguuradii 11aad ee ka soo wareegtay geeridii ALLE ha u naxariisktee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Madaxweynihii laabaad ee Somaliland, ayaa xalay lagu qabtay Hoteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, kaas oo ay ka soo qaybgalleen boqolaal dadweyne oo iskugu jira dhalinyarada iyo ardayda jaamacadaha.

Xuskan loo sameeyey madaxweynihii hore Somaliland Cigaal ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, isla markaana ay soo qabanqaabiyeen guddi madax banaan oo loo saaray xuska sanad guuradda 11aad ee geeridii Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waxaana ka soo qaybgalay Madaxda Xisbiyada Qaranka, Golalaha Wasiirada,  Aqoon yahano, Hal Abuuro Iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan oo uu ka mid yahay wakiilka Ethiopia u fadhiya Somaliland .

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Siiro  Oo ka mida Culimada Waaweyn ayaa tilmaamay in qiimaha ugu weyn ee lagu xasuustaa madaxweyne Cigaal tahay nidaamka iyo kala dambeynta uu ka tagay.

Qoraa Boobe Yousuf Ducaale oo ahaa Gudiga qaban qaabada Xuskaasi oo Munaasibadaasi Hadalo kooban ka soo jeediyey ayaa uga mahad celiyey  Cidkasta oo gacan ka gaysatay qabsoomida munaasibadaasi, Waxa kale oo uu halkaasi ka akhriyey Qaarka mida Khudbadihii Ugu muhiim sanaa ee lagu xasuusan karo oo uu kaga hadlayey halka ay gaadhsiisan tahay  Qaranimada Somaliland oo ay ka  mid ahaayeen khudbado uu kula hadlayey Hay’adaha Qaramada midoobay iyo kuwo uu kula hadlayey shacabka reer Somaliland.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xaaji Cabd Kariin Xuseen (X. Cabdi-Waraabe) oo ku hadlayey Afka Golaha Guurtida Somaliland waxaanu halkaasi ka cadeeyey inuu ahaa muwaadinkii seeska u dhigay dawladnimada Somaliland, isla markaana tacab badan uu galiyey, waxaanu ilaahay u baryey inuu u naxariisto.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid  En.Faysal Cali, ayaa si weyn uga sheekeeyey taariikh nololeedkii Marxuunka isagoo si gaara u tilmaamay Waqtigii ay jirtay Dawladii Dhexe ee Somaliya oo ay dhibaatooyin badan ka soomareen, waxaanu ka waramay doorka uu ku lahaa Qarankan waxaanu yidhi “Marxuumku waxuu ahaa nin aragti fogle, nin firfircoon ayuu ahaa oo yaraan ku bilaabay siyaasada dhamaanteena ilaahay haynaga siiyo samir iyo iimay” ayuu yidhi Faysal Cali waraabe

“Cigaal waxaan la soo shaqeeyey sagaal sano oo ah waxay ahaayeen sagaal sano oo adag oo nin  adag moooyaane nin kale aanu ka bixi karayn  oo aanay jirin haykal Dawladnimo, waxaanu suurto galiyey inaynu soo gaadhno halkaa aynu maanta joogno macalinbaanu anaga noo ahaa waanu naga aragti horeeyey”, ayuu yidhi Axmed Xuseen Oomane oo ka mid ahaa wasiiradii la soo shaqeeyey madaxweyne Cigaal.

“Umada xili aad u adag oo dunidu inaga soo horjeedo ayuu Wadankan soo hogaamiyey wuxuu ka mid ah ragii dhaligay Xoriyaddii ay Somaliland ka qaadatay Ingiriiska , wuxuu ahaa nin aragti dheer , Dalkana waxbadan buu ka soo taray Mudadii uu Xilka hayey, Waxaynu ku xusi karnaa Inaanu sandaqad ka Dhisan, aduunyada nin Guryo ka dhistaa Taariikh kuma yeesho, waxaynu tari karnaana waxa weeyi inaynu taariikhda ilaalino,Ilaahay janadiisa haka waraabiyo” ayuu yidhi Maxamed Kaahin gudoomiye ku xigeenka xisbiga taladda haya ee KULMIYE.

Kaltuun Xaaji Daahir oo ahayd Marwadii Marxuumka oo munaasibadan qaban qaabadeeda lahayd ayaa ka war bixisay Xuska Marxuumka “Waxaynu ka joognaa geeridiisii 11 sano kaligay ayaa la soo jiitamayey  way  yartahay cid iga gacan siisyey, maanta waxaanu samaynay gudi ka kooban beelaha Somaliland”ayuu tidhi Kaltuun marwadda madxweyne Cigaal.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Samaale, Cabdi rashiid Maxamuud oo ka tirsan xisbiga wadani iyo madax kale oo aad u badan.

Maxamed X.Ibraahin Cigaal oo ahaa Madaxweynhii Labaad Ee Somaliland Ayaa Sanad walba laga Xusaa Somaliland 03-da Bisha May  oo ku beegan Maalintii uu Geeriyooday sanadkii 2002, waxaana sanadkan si weyn looga dareemayey magaaladda Hargeysa oo laamiyadda la sudhay boodhadh waaweyn oo ay ku xardhan yihiin hadaladii dhaxalgalka ahaa ee uu umadda u jeedin jiray wakhtigii uu madxweynah ahaa.





Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland